(Yurub) 28 Nof 2019. UEFA ayaa ku dhawaaqday liiska musharixiinta abaal-marinta xiddiga ugu fiican kulamadii shanaad ee toddobaadkan laga ciyaaray wareega group-yada ee tartanka Champions League, gaar ahaan labadii maalmood ee la soo dhaafay.
Sida caadiga ah waxaa liiskan ku soo baxay 4 ciyaaryahan, guuleystaha waxaa lagu xulan doonaa codka taageerayaasha ee ku soo codeyn doona bogga rasmiga ah ee UEFA Champions League, codbixinta ayaa soconeysa 36 saacadood, xilli guuleystaha abaal-marintan lagu dhawaaqi doonaa galabta Jimcaha ee soo aadan.
Lionel Messi ayaa hoggaaminaya liiska musharaxiintan, kaddib bandhigiisii wacnaa uu ka sameeyay kulankii xalay ee Borussia Dortmund, isagoo ku hogaamiyay Barcelona inay guul ku gaarto 3-1, wuxuu dhaliyay gool, wuxuuna caawiyay labo gool kale.
Sidoo kale waxaa liiskan ku soo baxay weeraryahanka kooxda Bayern Munich ee Robert Lewandowski, kaddib afartii gool uu ka dhaliyay naadiga FK Crvena Zvezda, wuxuuna liiska gooldhalinta tartankan ku hogaaminayaa 10 gool.
Goolhaayaha kooxda Paris Saint-Germain ee Keylor Navas ayaa sidoo kale ku soo baxay liiskan, kaddib markii uu door weyn ka ciyaaray kulankii ay barbaraha kula soo galeen Real Madrid garoonka Santiago Bernabéu.
Murashaxa ugu dambeeya ee liiskan ku soo baxay ayaa ah weeraryahanka kooxda Inter Milan ee Romelu Lukaku, kaddib bandhigiis wacnaa uu xalay ka sameeyay kulakii Slavia Prague, wuxuu dhaliyay gool, wuxuuna caawiyay sidoo kale goolkii uu dhaliyay saaxiibkiis Lautaro Martinez.
Gool FM.