(Yurub) 28 Nof 2019. Tababaraha kooxda Borussia Dortmund ee Lucien Favre ayaa shaaca ka qaaday wadada kaliya ee lagu joojin karo Lionel Messi kaddib bandhigii waalida ahaa ee uu xalay ku hor sameeyay.
Barcelona ayaa guul muhiim ah kag gaartay kooxda Borussia Dortmund oo marti ugu aheyd garoonka Camp Nou, kaddib markii ay kaga adkaatay 3-1, waxaana goolasha u kala dhaliyay xiddigaha Luis Suarez, Lionel Messi iyo Antoine Griezmann.
Barcelona ayaa u soo baxday wareega xiga ee 16-ka Champions League iyadoo hoggaamineysa group-ka F oo ay kaga jirto tartankan, waxayna kulanka soo aadan ay sugayaan kooxda ku wehlisa group-kan ee u gudbi doonta wareega xiga, Borussia Dortmund ama Inter Milan.
Leo Messi ayaa kulankiisii 700-aad u ciyaaray xalay kooxdiisa Barcelona tartammada oo dhan, waxaana uu bandhig fiican ku hor sameeyay naadiga reer Germany ee Borussia Dortmund, waxaa intaas sii dheer in Dortmund ay noqotay kooxdii 34-aad oo uu gool kaga dhaliyay tartankan xiddiga xulka qaranka Argentina, waxaana uu sidaas kaga sare maray Raul iyo Cristiano Ronaldo.
Haddaba Tababaraha kooxda Borussia Dortmund ee Lucien Favre ayaa kaddib ciyaartii xalay wuxuu ka soo muuqday shir jaraa’id, wuxuuna warbaahinta u sheegay:
“Messi wuxuu nooga hor yimid sida weeraryahan mala-awaal ah, si fudud haddii aan u qeexo waa midaan la rumeysan Karin”.
“Wuxuu ka sugayay kubbadda meelaha saxda ah, isagoo si cajiib ah ugu dhex ordayay khadka dhexe, sidoo kale marka uu kubadda helo wax walba way sii adkaadaan”.
“Waa inaad khaladaad ku gasho isaga si aad u joojiso, tani waa wadada kaliya ee lagu joojin karo, haddii kale way adag tahay inaad joojiso”.
Gool FM.