Quantcast
Channel: Champ’ League – Gool FM
Viewing all articles
Browse latest Browse all 2505

Tammy Abraham oo hadlay kaddib dhaawacii halista ahaa ee kasoo gaaray kulankii xalay ee Valencia

$
0
0

(London) 28 Nof 2019. Weeraryahanka Chelsea ee Tammy Abraham ayaa soo gaaray dhaawac halis ah intii lagu gudi jiray kulankii xalay ay kooxdiisa kula ciyaartay naadiga Valencia kulamada shanaad ee wareega Group-yada tartanka Champions League, wuxuuna garoonka ka baxay isagoo ooynayay, taas oo dad badan ay u dareemeen inuu muddo dheer garoomada ka maqnaan doono.

Laakiin 22-jirkan ayaa sheegay inuusan qatar u aheyn dhaawaciisa sidii loo maleeyay, sidaas darteed macalinka Blues ee Frank Lampard ayuu warkan ku riixi karaa inuu dareemayo deganaansho.

Tammy Abraham ayaa ciyaarta laga saaray daqiiqaddii ugu dambeysay ee qeybtii hore kulaankii xalay ka dhacay garoonka Mestalla oo ay kula ciyaareen kooxda Valencia, kaasoo ku dhamaaday bar-baro 2-2 ah.

Xiddiga heerka caalami ee dalka England ayaa u sheegay Channel-ka rasmiga ah ee kooxda Chelsea:

“Anigu hadda waan ka fiicanahay sidii aan ahaa markii ay arrinta dhacday”.

“Waqtigaas waxaan ka baqayay waxa ugu xun, laakiin haatan aad ayaan u fiicanahay waana socon karaa waana dhaqaaqi karaa, waxaan sugi doonaa baaritaanada caafimaad laakiin waxaan rajaynayaa inay noqon doonto kaliya nabar”

“Riyadaydu mar walba waxay ahayd inaan ka ciyaaro Champions League, marka ma doonayo inaan baabi’iyo waxaana doonayaa inaan qeyb kala sii noqdo kooxda tartankan, waxay noqon doontaa wax wanaagsan haddii aan u gudubno wareega xiga, wax walbana waxay ku jiraan gacmaheena”.

Gool FM.


Viewing all articles
Browse latest Browse all 2505

Trending Articles