(Liverpool) 12 Dis 2019. Daafaca garabka bidix kooxda Liverpool ee Andrew Robertson ayaa sheegay inuu kalsooni buuxda ku qabo naadigiisa Reds oo difaacaneysa koobka Champions League.
Dhinaca kale Andrew Robertson ayaa wuxuu carabka ku adkeeyay inaysan jirin koox ka mid ah kooxaha u soo baxay wareega xiga ee 16-ka ee dooneysa inay ku beeganto Liverpool isku aadka la sameyn doono Isniinta soo socota.
Wargeyska “Daily Star” ee dalka England ayaa wuxuu shaaca ka qaaday wareysi uu bixiyay Andrew Robertson, waxaana hadaladiisa ka mid ahaa:
“Waxaan xushmeyneynaa koox kasta aan la ciyaari doono, laakiin waxaan ognahay sida aan wax u qabanay labadii sano ee la soo dhaafay, mana jirto koox rabta inay naga hortimaado, taasina wey iska cadahay”.
“Taasi kuma kalsoonaan karno, waana inaan sii wadnaa inaan xaqiijino sababaha aysan cid kasta u dooneynin inay na wajahdo”.
“Waxaan sugi doonnaa natiijada ka soo baxda isku aadka la sameyn doono si aan u aragno kooxda aan kula ciyaari doono wareega xiga ee 16-ka tartanka Champions League”.
“Waan ognahay inay noqon doonto ciyaar adag, laakiin waxaan dooneynaa inaan sii wadno tartanka aan ugu jirno horyaalnimada, si aan meel fog u gaarno markale”.
Gool FM.