(Liverpool) 13 Dis 2019. Xherdan Shaqiri ayaa dareensan in 100% uu diyaar u yahay inuu hoggaamiyo weerarka kooxda Liverpool kulanka soo aadan ay kula ciyaari doonaan kooxda Watford horyaalka Premier League.
Laacibka reer Switzerland ayaan ciyaarin kulamo badan ee kooxda Liverpool ah xilli ciyaareedkan sababa la xiriira dhaawacyadiisa oo noqday kuwo isdaba joog ah.
Tababare Jurgen Klopp ayaa indhaha ku haya inuu isbedello yar ku sameeyo kooxda Liverpool kulanka Watford, maadaama ay Reds gali doonto jawi mashquul badan, iyagoo ciyaari doono 14 kulan ee ah dhamaan tartamada kala duwan Lix isbuuc gudahood oo kaliya.
Haddaba Xherdan Shaqiri ayaa wareysi uu ku bixiyay website-ka rasmiga ah ee kooxda Liverpool wuxuu kaga dhawaajiyay:
“Waxaan kujiraa xaalad aad u wanaagsan weyna iska cadahay inaan u baahday hal ama labo usbuuc oo tababar ah, laakiin dabcan waan ku faraxsanahay waxaana dareemayaa inay diyaar ahay”.
“Waan ku faraxsanahay soo laabashadeyda iyo inaan gool ka dhaliyay kulankii Merseyside derby, waa wax aan waligey iloobi doonin, laakiin waxaan rajeynayaa inaan qeyb ka noqdo kulamada soo socda ee kooxda”.
“Qof walba aad ayuu muhiim ugu yahay macalinka, ciyaartoy walbana wuu ogyahay inuu muhiim yahay, sababtoo ah waxaan gali doonaa xilli mashquul madan ee dhanka kullamada, waxaana jiri doono xiisado badan ee dhanka tababarka ah, laakiin qof walba aad ayuu u yaqaannaa”.
Intaas kaddib Xherdan Shaqiri ayaa wax laga weydiiyay isku aadka wareega 16-ka tartanka Champions League ee la sameyn doono Isniinta soo aadan wuxuuna yiri:
“Run ahaantii, waxaan si cad u dooneynaa inaan wajaho koox yar, laakiin aniga ahaan koox kasta ee ku guuleysatay inay heerkan soo gaarto, ma ahan koox yar ee waa koox aad u wanaagsan”.
“Haddii aad rabto inaad si wadato wadadii aad ku difaacan laheyd koobka waa inaad garaacdaa koox kasta oo aad wajihi doontid, kullamada Champions League waa inaad soo bandhigtaa qaab ciyaareedka ugu fiican inta aad bixin karto”.
Gool FM.