(Barcelona) 24 Feb 2020. Xiddiga khadka dhexe xulka qaranka Holland iyo kooxda kubadda cagta Barcelona ee Frenkie de Jong ayaa kaga digay Barca halista kaga imaan karta naadiga Napoli.
Kooxda Barcelona ayaa habeen dambe ee Talaadada waxay marti ugu noqon doontaa naadiga Napoli garoonka San Paolo, si ay u wada ciyaaraan kulanka lugta hore wareega 16-ka tartanka UEFA Champions League.
Frenkie de Jong ayaa wareysi uu ku bixiyay website-ka UEFA wuxuu ku sheegay:
“Waligeey kama aanan ciyaarin garoonka San Paolo, laakiin Napoli waa koox weyn oo tayo leh, waxaan ku wada ciyaarnay kulamadii isku diyaarinta xilli ciyaareedka, laakiin kulamadaas marwalba way ka duwan yihiin”.
“Napoli waxaay ku fiican tahay tartanka Champions League, tusaale ahaan ciyaartii ay la ciyaareen Liverpool, waxay qabteen shaqo fiican, inkasta oo aynan gaarin natiijadii laga filaayay horyaalka Talyaaniga”.
“Marka lagu jiro wareega group-yada, waxaad heysataa lix kulan, haddii aad guuldaro la kulanto ciyaar ama aad xumeyd maalmahaada maalin ka mid ah, kaddib waxaad fursad u heleysaa inaad wax saxdo, laakiin walwalka ayaa sii kordhaya marxaladda bug-baxda”.
Gool FM.