(Naples) 25 Feb 2020. Kooxda Barcelona ayaa u safreysa dalka Talyaaniga si ay ula ciyaarto caawa Naadiga Napoli lugta hore ee wareegga 16-ka Champions League kaddib markii ay saddex kulan oo isku xiga guuleysteen horyaaka La Liga.
Kooxda martida loo yahay ee Napoli ayaa sidoo kale ku riyaaqay socod xooggan, dhowaanahan waxa ay diiwaangelinayeen saddex guul oo tartammada oo dhan ah si ay sare ugu qaadaan fursadahooda horyaalka Serie A iyo Coppa Italia.
Ogeysiiska Ciyaarta:-
Tartanka: UEFA – Champions League
Taariikhda: Talaado, 25 Feb 2020
Saacadda ay bilaabaneyso dheesha: 11:00 Habeennimo xilliga geeska Afrika.
Garoonka: San Paolo
Garsooraha: Felix Brych (Germany)
Wararka Kooxaha:-
Daafaca kooxda Barcelona Gerard Pique ayaa sheegay in arrimaha garoonka ka socda inaysan carqaladeyn doonin kooxda kulanka Talaadada caawa lugta hore ee wareegga 16-ka Champions League.
Taageerayaasha Barca ayaa ku mudaaharaaday madaxweynaha kooxda Josep Maria Bartomeu intii lagu jiray kulankii Sabtidii ay 5-0 kaga badiyeen Eibar kaddib markii kooxda ay ku eedeeyeen inay khalkhal geliyeen baraha xiriirka warbaahinta bulshada ee kooxda.
Daafaca dhexe ee Napoli, Kalidou Koulibaly iyo Fernando Llorente ayaa labaduba seegi doona kulankan.
Kalidou Koulibaly ayaa dib ugu soo laabtay tababarka kaddib markii uu ka yimid dhaawac muruqa ah, halka weeraryahankan Llorente uu xanuunsan yahay, Daafaca Kevin Malcuit ayaa maqnaasho muddo dheer ah ku jira maadaama uu dhaawac culus uu qabo.
Weeraryahan Luis Suarez ayaa ah mid ka mid ah shan ciyaaryahan oo Barcelona ka maqan, Ousmane Dembele, Jordi Alba iyo Sergi Roberto ayaa sidoo kale dhaawacan.
Weeraryahanka cusub ee Kooxda Barcelona ay dhowaan la soo saxiixdeen, Martin Braithwaite ayaan diiwaan gashanayn inuu ciyaaro tartankan sidaas awgeed inkastoo uu kooxdiisa la safray haddana waxa uu daawan doonaa kulankan.
Xaqiiqooyinka ciyaarta:-
>- Kani waa kulankii ugu horeysay ee tartan rasmi ah ee dhexmara labadan kooxood.
>- Labada Tababare ee kala hoggaaminaya labadaan kooxood ee Gattuso iyo Quique Setien ayaa mas’uul ka noqon doona kulankooda ugu horreeyay ee Champions League.
>- Kooxda Napoli ayaa gaartay heerka bug-baxa Champions League markii saddexaad lix kulan oo ay ciyaareen, weligoodna kama aysan gudbin wareegga 16-ka.
>- Guushii ugu dambeysay ee ay Barcelona garoonkeeda kaga soo gaarto koox Talyaani ah wareegga 16-ka Champions League ayaa timid bishii April sanadkii 2006, markaasoo ay 1-0 kaga badiyeen AC Milan, Gennaro Gattuso ayaana markaas ku sugnaa kooxda Milan, haddana waxa uu Gattuso tababare u yahay kooxda Napoli.
>- Barcelona ayaa hal kulan oo kaliya guuleysatay siddeedeedii kulan ee ugu dambeeyey ee ay meel ka baxsan garoonkeeda ku soo ciyaartay heerka bug-baxa Champions League, waxaana ay haysataa labo barbaro iyo shan guuldarro, halkaa guul oo ay soo gaareenna waxa ay ka soo qaateen Manchester United bishii April sanadkii 2019, markaasoo ay 1-0 uga soo adkaadeen.
>- Siddeedaas kulan, waxay dhalisay kaliya labo gool, waxaana laga dhaliyay 17 gool.
>- Wadarta guud ee labada gool oo uu dhaliyay Lionel Messi shantii kulan ee uu ciyaaray xilli ciyaareedkan wareegga group-yada Champions League wuxuu ahaa heerkiisii ugu hooseeyay muddo 10 sano ah.
>- Kooxda Napoli ayaan la garaacin lixdeedii kulan ee ugu dambeeyey oo ay ciyaartay tartanka Champions League.
>- Kooxda Barcelona ayaan la garaacin lixdeedii kulan ee ugu dambeeyey oo ay ciyaartay tartanka Champions League.
Shaxda Macquulka ah ee labada kooxood:-
Gool FM.