(Madrid) 26 Feb 2020. Kooxda Manchester City ayaa caawa booqanaysa garoonka Santiago Bernabeu, halkaasoo ay kula soo ciyaari doonto Real Madrid kulanka lugta hore ee 16-ka Champions League.
Kooxda difaacaneysa Premier League ee Man City ayaa kulankeedii ugu dambeeyey ee horyaalka soo aadkaatay, halka Real Madrid ay lumisay hoggaanka horyaalka La Liga kaddib markii laga adkaaday kulankii ugu dambeeyey horyaalka Spain.
Ogeysiiska Ciyaarta:-
Tartanka: UEFA – Champions League
Taariikhda: Arbaco, 26 Feb 2020
Saacadda ay bilaabaneyso dheesha: 11:00 Habeennimo xilliga geeska Afrika.
Garoonka: Santiago Bernabeu
Garsooraha: Daniele Orsato (Italy)
Wararka Kooxaha:-
Kooxda kubadda cagta Real Madrid waxaa dhaawac uga maqan kulankan Eden Hazard kaa soo ku laabtay dhaawac uu dhawaan ka soo laabtay oo uu saddex bilood garoomada kaga maqnaa, waxaana la filayaa inuu maqnaan doono inta ka dhiman xilli ciyaareedka kaddib dhaawac jab ah oo ka soo gaaray canqowga.
Federico Valverde ayaa la filayaa inuu ku soo laaban doono booska khadka dhexe, waxaana uu qaadan karaa booska khadka dhexe ee Luka Modric, halka Ferland Mendy uu booska daafac garabka bidix kala wareegi karo Marcelo.
Gareth Bale ayaa la filayaa inuu ka mid noqdo saddex xiddig ee weerarka Real Madrid kulankan, halka Vinicius Junior, Isco iyo Rodrygo ay ku tartami doonaan booska garabka midig ee weerarka oo uu ka maqan yahay Hazard.
Dhinaca kale kooxda Manchester City ciyaaryahankeeda Leroy Sane ayaa ku dhow inuu dib ugu soo laabto kooxda koowaad tan iyo bishii agoosto, laakiin lama filayo inuu ku soo bilaaban doono halkaas.
Macallinka Manchester City ee Pep Guardiola ayaa xaqiijiyey in Raheem Sterling uu diyaar u yahay inuu ciyaaro kulankan kaddib dhaawac muruqa ah oo uu sheeganayey.
David Silva ayaan halis uga imaan kulankii Leicester City, laakiin waa inuu ku soo laabtaa kooxda kulankan.
Ciyaaryahan Bernardo Silva ayaa laga yaabaa in lagu riixo booska saddexda weerarka ee City ee halka uu ka dheelo Riyad Mahrez.
Fernandinho ayaa diyaar u ah kulakan kaddib markii uu hal kulan ganaax kaga maqnaa Man City kulankii ugu dambeeyey ee heerka guruubyada Champions League.
Xaqiiqooyinka ciyaarta:-
>- Manchester City ayaan marnaba guul gaarin iyadoo wajahaysa Real Madrid, waxaana ay ka hortageen afar goor, Man City ayaana labo kulan oo ay booqatay Santiago Bernabeu khasaaro la soo kulantay, halka labada kulan ee kalena ay barbaro kula gashay Los Blancos garoonkeeda Etihad.
>- Real Madrid ayaa ka guuleysatay afartii kulan ee ugu dambeeyay heerka bug-baxa Champions League ee ay ka horyimaadaan kooxaha Ingriiska: 5-0 isku celcelis ahaan v Tottenham (2010/11 wareegga 8-da), 3-2 v Manchester Utd (2012/13 wareegga 16-ka), 1-0. v Manchester City (2015/16 semi-finalka), 3-1 v Liverpool (final-ka 2017/18).
>- Real Madrid ayaa gaartay wareegga 16-ka ee Champions League xilli ciyaareedkii 23-aad oo xiriir ah, waana orodkoodii ugu dheer taariikhda tartankan.
>- Real Madrid ayaa gool dhalisay mid kasta oo ka mid ah 22-kii kulan ee ugu dambeeyay ee ay garoonkeeda ku ciyaareen heerka bug-baxa Champions League; kooxdii ugu dambeysay ee ka celisa gooldhalinta ama inay gool dhaliyaan waxa ay aheyd Kooxdii uu Pep Guardiola watay ee Barcelona xilli ciyaareedkii 2010/11, waxaana uu ahaa kulan ka tirsanaa semi-finalka oo Los Blancos lagu dilay 0-2.
>- Manchester City ayaa heerka bug-baxa Champions League ku jirta xilli ciyaareedkii todobaad oo xiriir ah, waxaana ay gaarayaan siddeed dhammaadka saddex ka mida h afartii xilli ciyaareed ee ugu dambeeyey.
> Manchester City ayaa laga reebay mid kasta oo ka mid ah saddexdii kulan ee hore Champions League oo labada lug ee ay la ciyaareen kooxaha Spanish-ka: 1-4 isku celcelis ahaan v Barcelona (2013/14 wareegga 16-ka), 1-3 v Barcelona (2014/15 wareegga 16-ka ), 0-1 v Real Madrid (2015/16 afar dhammaadka).
>- Kooxda Man City ayaan la garaacin todobadeedii kulan ee ugu dambeeyey oo ay ciyaartay Champions League.
>- Real Madrid ayaa dhalisay ugu yaraan labo gool saddexdeedii kulan ee ugu dambeeyey oo ay ciyaartay Champions League.
Kooxda Real Madrid ayaan la garaacin shanteedii kulan ee ugu dambeeyey oo ay ciyaartay tartanka Champions League.
Shaxda Macquulka ah ee labada kooxood:-
Gool FM.