(Madrid) 26 Feb 2020. Kooxda Manchester City ayaa caawa booqanaysa garoonka Santiago Bernabeu, halkaasoo ay kula soo ciyaari doonto Real Madrid kulanka lugta hore ee 16-ka Champions League, marka ay saacadda geeska Afrika tahay 11:00 Habeenimo.
Kooxda difaacaneysa Premier League ee Man City ayaa kulankeedii ugu dambeeyey ee horyaalka soo aadkaatay, halka Real Madrid ay lumisay hoggaanka horyaalka La Liga kaddib markii laga adkaaday kulankii ugu dambeeyey horyaalka Spain.
Haddaba dhallinyarada reer Muqdisho ayaa siyaabo kala duwan uga hadlay kulankan weyn ee caawa ka dhacaya caasimadda Spain, xilli ay u warameeyeen GOOL TV.
Gool FM.