Quantcast
Channel: Champ’ League – Gool FM
Viewing all articles
Browse latest Browse all 2505

Madaxweynaha Real Madrid oo la dhacsan qaab ciyaareedka laba xiddig ka tirsan Manchester City

$
0
0

(Madrid) 27 Feb 2020. Madaxweynaha kooxda kubadda cagta Real Madrid ee Florentino Pérez ayaa la dhacsan qaab ciyaareedka laba xiddig ka tirsan Manchester City.

Indhaha Madaxweynaha kooxda kubadda cagta Real Madrid ee Florentino Pérez ayaa waxay qabteen qaab ciyaareedka labada xiddig Kevin De Bruyne iyo Raheem Sterling inta lagu gudi jiray kulankii xalay ka dhacay garoonka Santiago Bernabeu.

Kevin De Bruyne iyo Raheem Sterling ayaa waxay xalay si weyn kaga caawiyeen kooxdooda Manchester City guushii 1-2 aheyd ay Real Madrid kaga gaareen kulankii lugta hore wareega 16-ka tartanka UEFA Champions League.

Shabakada “Defense” ee dalka Spain ayaa waxay xaqiisjisay in Kevin De Bruyne oo xalay gool dhaliyay isla markaana mid kale caawiyay uu si weyn u la dhacay Florentino Pérez, sidoo kale Raheem Sterling ayaa ka mid ah xiddigaha soo jiitay Pérez.

Gool FM.


Viewing all articles
Browse latest Browse all 2505

Trending Articles