(Catalonia) 10 Mar 2020. Maamulka gobolka Catalonia ayaa ku dhawaaqay maanta oo Talaado ah in kooxaha Barcelona iyo Napoli ay ciyaari doonaan lugta labaad wareega 16-ka tartanka Champions League iyadoo ay albaabada u xirin yahiin garoonka Camp Nou, si loo yareeyo faafitaanka cudurka “coronavirus”, kaasoo halis joogta ah ku noqday adduunka oo dhan.
Kulanka ayaa la ciyaari doonaa Arbacada, ay taariikhdu ku beegan tahay 18-ka bishan Maarso, sida ku xusan go’aanka uu soo saaray Gerard Figueras oo ah Xoghayaha arrimaha Isboortiga ee gobolka Catalonia.
Haddaba kulan la wada sugayo ee ku dhex mari doono kooxaha Barcelona iyo Napoli garoonka Camp Nou ayaa la ciyaari doonaa taageero la’aan, sababa la xiriira cabsi laga qabo inuu faafo cudurka “coronavirus”.
Gool FM.