(Yurub) 11 Mar 2020. Kooxda RB Leipzig ayaa iska xaadirasay wareega siddeed dhamaadka UEFA Champions League, kaddib markii ay cel celis ahaa labadii lugood ay ku wada ciyaareen wareega 16-ka ay kaga soo gudubtay 4-0.
Qeybta hore ee ciyaarta ayaa lagu kala maray 2-0 ay ku hoggaamineysay kooxda martida loo ahaa ee RasenBallsport Leipzig.
Daqiiqadii 10-aad kooxda Leipzig ayaa hoggaanka u qabatay dheesha waxaana 1-0 ka dhigay Marcel Sabitzer, waxaana goolkan ka caawiyay Timo Werner.
Daqiiqadii 21-aad kooxda reer Germany ee Leipzig ayaa dhalisay gool labaad waxaana dheesha 2-0 ka dhigay Marcel Sabitzer, kaddib markii uu goolkan ka caawiyay saaxiibkiis Angelino.
Qeybta labaad marka dib leysugu soo laabtay labada kooxood waxay sameeyeen qaab ciyaareed aad u fiican, iyagoo abuuray fursado badan oo goolal loo filan karay.
87 daqiiqo kooxda RasenBallsport Leipzig ayaa dhalisay gool saddexaad waxaana 3-0 ka dhigay dheesha Emil Forsberg.
Ugu dambeyntii ciyaartaayaa ku soo dhamaatay 3-0 ay kaga adkaatay RasenBallsport Leipzig kooxda Tottenham Hotspur oo marti ugu aheyd garoonka Red Bull Arena Leipzig, waxayna kooxda reer Germany u gudubtay wareega siddeed dhamaadka tartanka UEFA Champions League, kaddib markii ay cel celis ahaan ku soo baxday 4-0.
Dhinaca kale kooxda Atalanta ayaa kaga adkaatay Valencia 3-4 kulankii lugta labaad wareega 16-ka UEFA Champions League, waxayan u gudubtay wareega xigga ee siddeeda, kaddib markii ay cel celis ahaan labada kulan ay wada ciyaareen ku soo baxday 4-8.
SAWIRRO:
Gool FM.