(Liverpool) 11 Mar 2020. Kooxda kubadda cagta Liverpool ayaa garoonka Anfield ku soo dhoweynaysa naadiga Atletico Madrid caawa oo Arbaco ah kulanka lugta labaad ee 16-ka Champions League.
Reds ayaa doonaysa inay caawa soo laabasho sameyso oo iska xaadiriso siddeed dhammaadka Champions League, kaddib markii kulankii hore ee ka dhacay Spain kooxda reer England looga soo adkaaday 1-0 lugtii hore ee 16-ka Champions League.
Wax ka yar sagaal bilood markii ay koobkan markoodii lixaad ku qaadeen garoonka Wanda Metropolitano, Kooxda macallin Jurgen Klopp ayaa lagu soo garaacay isla garoonkaan bishii la soo dhaafay, waxaana kooxda reer England ay doonaysaa inay inay taageerayaashooda hortooda soo laabasho ku sameeyaan lugta labaad, inkastoo kooxda ka socota caasimadda Spain ay dhankeeda doonayso inay gudubto.
Ogeysiiska Ciyaarta:-
Tartanka: Yurub – Lugta labaad ee 16-ka EUFA Champions League
Taariikhda: Arbaco, 11 Mar 2020
Saacadda ay bilaabaneyso dheesha: 11:00 Habeennimo xilliga geeska Afrika.
Garoonka: Anfield
Garsooraha: Danny Makkelie (Netherlands)
Wararka Kooxaha:-
Kabtanka Kooxda Liverpool ee Jordan Henderson ayaa taam u ah inuu wajaho naadiga Atletico Madrid kulanka caawa ee Champions League.
Laacibkan khadka dhexe ee England ayaa garoomada ka maqnaa tan iyo markii uu dhaawac ka soo gaaray muruqa lugta hore ee wareegga 16-kaChampions League saddex isbuuc ka hor, laakiin waxaa uu tababarka qaatay Axaddii iyo Isniintii, waxaana uu diyaar u yahay inuu boos ka helo kooxdiis, iyadoo Reds ay raadinayso inay ka soo kabsato guul darro 1-0 ah.
Daafaca bidix ee Andy Robertson ayaa soo laabanaya kaddib markii uu ka fariistay guushii ay Sabtidii ka gaareen Bournemouth, laakiin goolhaye Alisson Becker oo sinta ka dhaawacan ayaa seegi doona kulankaan iyo kulanka Merseyside-ka ee Isniinta.
Kieran Trippier ayaa rajaynaya inuu caddeeyo inuu taam yahay kaddib markii uu seegay lugtii hore ee Atletico Madrid, waxaana la arkaayay isagoo dhaawac ah kaddib markii uu ku soo laabtay garoommada isbuuc dhammaadka kulankii Sevilla.
Thomas Lemar iyo Alvaro Morata ayaa labadoodaba shaki la galinayaa kulankan, halka xiddiga kale ee Joao Felix uu isna ku soo laabanayo garoommada.
Xaqiiqooyinka ciyaarta:-
>- Liverpool waligeed guuldarro kama aysan soo gaarin Atletico Madrid iyadoo ku ciyaareysa garoonkeeda Anfield labadii kulan ee hore oo Yurub ah, mid waxa uu ku dhammaaday barbaro 1-1 ah wareegga group-yada Champions League xilli ciyaareedkii 2008-09, halka kulanka kale ay guul 2-1 ah ka gaareen lugta labaad ee afar dhammaadka ee semi-finalka Europa League xilli ciyaareedkii 2009-10.
>- Toddobo ka mid ah 13-kii booqasho ee ay booqdeen England waxay ku dhammaadeen barbardhac (2 Guul, 7 Barbaro, 4 Guuldarro), iyadoo Los Colchoneros aan laga badinin afartii kulan ee ugu dambeysay ee ay halkaas ku ciyaareen (1Guul iyo 3 Barbaro) tan iyo guuldarradii Liverpool ka soo gaartay bishii April sanadkii 2010.
>- Tababare Jurgen Klopp ayaan weli wax guuldarro ah kula kulmin garoonka kooxdiisa Liverpool kulan Champions League ah, waxaana uu haystaa 11 Guul iyo 4 Barbaro.
>- Haddii Liverpool ay harto caawa, waxay noqon doontaa markii ugu horreysay tan iyo muddo afar xilli ciyaareed ah intii u dhaxeysay 2004-05 iyo 2007-08 in kooxda haysata Champions League ay ku guul darreysato inay ka gudubto wareegga 16-ka xilli ciyaareedyo isku xigta, iyadoo Real Madrid ay halkaas ka baxday marxaladdii ugu dambeysay xilli ciyaareedkii la soo dhaafay ee ay la ciyaareen Ajax.
>- Goolhayaha Atletico Madrid ee Jan Oblak ayaa laga dhaliyey 37 gool 49-kiisii kulan ee ugu horreeyey oo uu ka soo muuqday Champions League, goolhayeyaasha tirada goolasha ugu yar laga dhaliyey 50-kooda kulan ee ugu horreeya ayaa waxa ay kala yihiin Dida (35), waxaana soo raaca Victor Valdes (38).
Shaxda Macquulka ah ee labada kooxood:-
Gool FM.