(Barcelona) 15 Abril 2020. Macalinka kooxda kubadda cagta Barcelona ee Quique Setién ayaa sheegay inuu ku riyoonayo in Barca uu la qaado tartanka xiisaha badan ee UEFA Champions League.
Quique Setién oo arrintan ka hadlayey ayaa u sheegay “TV 3”
“Waxaan u sheegayaa ciyaartoyda dhowr jeer inaan ku deg-degayo oo aan heysan waqti aan ku guuldareysto, waxaan jeclaan lahaa inaan kula guuleysto labada koob ee Champions League iyo La Liga kooxda Barca”.
“Dabcan waxaan ku riyooday anigoo ku guuleysanayo koobabkaas, isla markaana kula dhex lugeynaya Liencres (oo ah magaaladiisa), isla markaana Lo’deyda dhex socda anigoo gacmaheyga ku sita koobab Champions League iyo La Liga”.
Barcelona kuwaasoo ku guuleystay markii ugu dambeysay Champions League sanadkii 2015-kii, ayaa isku diyaaraniya kulankooda lugta labaad ee wareega 16-ka xilli ciyaareedkan oo ay qaabilayaan Napoli, iyadoo lugtii hore bar-bardhaca 1-1 ah lagu soo galay Napoli, kahor inta aan kubadda cagta loo joojin Coronavirus awgii
Dhinaca kale Quique Setién ayaa rajo wanaagsan ka muujiyay inuu sii wadi doono shaqadiisa Barcelona, wuxuuna doonayaa in marka uu dhamaado qandaraaskiisa kooxda ee gaarsiisan 2022, uu qalinka ku duugo heshiis cusub uu naadiga ku sii joogayo.
Macalin Quique Setién oo hadalkiisa sii wata ayaa wuxuu yiri:
“Waa inaan ku laabanaa garoonka sida ugu dhaqsaha badan oo aan noqonno horyaal garoonka, laakiin hadda xaaladu aad ayey u adag tahay, waxaan jeclaan lahayn in noloshu ay ku soo noqoto sidii ay ahayd”.
Gool FM.