(Yurub) 19 Abril 2020. Waxaa lagu soo warramayaa in xiriirka kubadda cagta qaaradda Yurub ee UEFA uu soo bandhigi doono qorshaha dhammeystirika tartanka Champions League xilli ciyaareedkan.
Qorshahan ayaa ah mid tartanka lagu soo gaba-gabeyn doono muddo ka yar hal bil, waxaana la ciyaari doonaa kulan saddex maalin walba laga billaabo 7-da August illaa 29-ka bishaas.
Kubadda cagta dunida inteeda badan ayaa hakad ku jirta maadaama si daran loola tacaalayo xanuunka faafaha ah ee Coronavirus, waxaana tartanka horyaallada Yurub uu nagi ku yahay wareegga 16-ka.
Kulamo is xig xigay oo ay guddoonka sare ee UEFA qaateen intii u dhexeysay maalintii Talaadada illaa Khamiistii ayaa looga dooday sida loo dhammeystiri doono xilli ciyaareedkan iyadoo wali ay jirto dhibaatadii loo caafimaad ee loo hakiyay.
Sky Sport Italia ayaa baahisay in tartanka loo qorsheeyay bisha August in la dhammeystiro, oo ku beegan xilliga ay kooxaha soo gabagabeeyaan ole’olahooda horyaallada maxalliga ah.
Kulanka u dhexeeya Lyon iyo Juventus iyo dagaalka dhex mari doona Barcelona iyo Napoli ayaa la kala ciyaari doonaa Auguts 7-deeda iyo 8-ddeeda.
Kaddib kulamad waxaa loo ciyaari doonaa saddex-maalin-dhaaf iyadoo wareegyada rubac-dhammaadka iyo nus-dhamaadka loo ciyaari doono sidii caadiga ahayd ee labada lugu (minin iyo marti).
Kulamada nus-dhammaadka (semi-final) ayaa la ciyaari doonaa bisha August maalmaheeda 18-19, 21-22, kaddibna kama dambeysta (final) ayaa Istanbul lagu ciyaari doonaa 29-ka bisha August.
Xilli ciyaareedka xiga ee 2020-21, tartanka Champions League waxaa uu billaaban doonaa 20-ka bisha October.
Gool FM.