Quantcast
Channel: Champ’ League – Gool FM
Viewing all articles
Browse latest Browse all 2505

Sergio Ramos oo fariin u diray taageerayaasha Real Madrid kaddib markii laga reebay tartanka Champions League

$
0
0

(Madrid) 08 Agoosto 2020. Kabtanka kooxda Real Madrid ee Sergio Ramos ayaa fariin u diray taageerayaasha Los Blancos, kaddib markii laga reebay tartanka UEFA Champions League.

Manchester City ayaa u soo baxday wareegga Siddeeda ee tartanka Champions League, kaddib markii ay kaga adkaatay Real Madrid 2-1, kulankii lugta labaad ee wareega 16-ka, taasoo ka dhigan in cel-celis ahaan labada kulan ee wareegan ay ku soo baxday goolal gaarsiisan 4-2.

Sergio Ramos ayaa kaddib kulankii xalay wuxuu boggiisa rasmiga ah ee Facebook ku soo qoray fariin uu u diray taageerayaasha kooxda Real Madrid wuxuuna yiri:

La eliminación de Real Madrid, en los principales diarios del ...

“Xilli ciyaareed yaab leh ee qof walba uu ku adkaa ayaa dhamaaday, wuxuu ahaa xilli ciyaareed xun, sababtoo ah Real Madrid waxaa looga bartay inay ku guuleysato wax walba”

“Waa inaan ammaanaa ku guuleysigeena horyaalka La Liga iyo Spanish Super Cup iyadoo ay jiraan xaaladahan adag, iyadoo ay sidaas jirto ka haritaanka Champions League waa arrin xun, sababtoo ah waxaan dooneynay wax intaas ka badan”.

“Waxaa la gaaray xilligii nasashada, kaddib waan soo laaban doonaa waxaana gali doonaa dagaalka xilli ciyaareedka soo socda, hal ku dhiggan iyo taariikhdan had iyo jeer way u qalmaan wax walba”.

“Guul iyo guuldarro, Madrid xilli kasta ha noolaato, waad ku mahadsan tahiin taageerida aan shuruudda lahayn, xitaa haddii ay jirto meel fog”.

Gool FM.


Viewing all articles
Browse latest Browse all 2505

Trending Articles