(Yurub) 12 Agoosto 2020. Halyeeyga kooxda kubadda cagta Liverpool iyo xulka qaranka England ee Michael Owen ayaa saadaaliyay kulamada wareega siddeeda ee tartanka UEFA Champions League, gaar ahaan ciyaarta dhex mari doonto kooxaha Bayern Munich iyo Barcelona.
Garoonka Estadio da Luz ee dhaca caasimada Lisbon ee dalka Portugal ayaa martigalin doona kulanka la wada sugayo ee habeenka Jimacaha dhex mari doono kooxaha Bayern Munich iyo Barcelona.
Haddaba wargeyska “Mirror” ee dalka England ayaa wuxuu shaaca ka qaaday wareysi uu bixiyay halyeyga kooxda Liverpool ee Michael Owen, waxaana hadaladiisa ka mid ahaa:
“Waxaan u maleynayaa in Bayern Munich ay ku jirto heer fiican, iyadoo Lewandowski uu qeyb ka yahay safkooda”.
“Waxaan u maleynayaa in kooxda reer Germany ay u gudbi doonto wareega afar dhamaadka tartanka UEFA Champions League, waxayna ku badin doontaa natiijo ah 2-1”.
Intaas kaddib Michael Owen oo sii wata saadaalintiisa kulamada wareega siddeed dhamaadka ee tartanka UEFA Champions League, ayaa wuxuu saadaaliyay in Pep Guardiola iyo wiilashiisa kooxda Man City ay kaga adkaan doonaan naadiga Lyon 3-1.
Sidoo kale wuxuu saadaaliyay cida adkaan doonta kooxaha Atletico Madrid iyo RB Leipzig, wuxuuna sheegay in Diego Simeone iyo wiilashiisa ay ku adkaan doonaan 2-1, isla natiijo la mid ah ayuu tilmaamay inay kaga adkaan doonto Paris Saint-Germain kooxda reer talyaani ee Atalanta.
Gool FM.