Quantcast
Channel: Champ’ League – Gool FM
Viewing all articles
Browse latest Browse all 2505

Quique Setién oo si RASMI ah ugu dhawaaqay liiska xiddigaha Barcelona ee ka qeyb galaya kulanka adag ee Bayern Munich

$
0
0

(Barcelona) 12 Agoosto 2020. Quique Setién ayaa wuxuu ku dhawaaqay liiska xiddigaha kooxdiisa Barcelona ee kaga qeyb galaya kulanka adag ee Bayern Munich.

Macalin Quique Setién iyo wiilashiisa ayaa waxay isku diyaarinayaan kulanka la wada sugayo wareega siddeed dhamaadka ee artanka Champions League, kaasoo habeenka Jimcaha ka dhici doono garoonka Estadio da Luz ee dhaca caasimada dalka Portugal ee Lisbon.

Tababare Quique Setién ayaa liiskan ugu yeeray 26-ka ciyaaryahan ee kaga qeyb gali doonto kulanka habeenka jimcaha, waxaana uu dib u helay xiddigo muhiim ah ee ka maqnaa kulankii Napoli, sida Ousmane Dembélé, Ansu Fati iyo Sergio Busquets.

Haddaba halka hoose kaga boggo liiska xiddigaha kooxda Barcelona uu ku dhawaaqay tababare Quique Setién, kuwaasoo ka qeyb galaya kulanka Bayern Munich ee tartanka Champions League:

Goolhaayaasha: Ter Stegen, Neto, Pena

Daafacyada: Semedo, Pique, Lenglet, Araujo, Alba, Roberto, Firpo, Mingueza

Khadka dhexe: Vidal, Busquets, Rakitic, Puig, De Jong, Monchu, Reis, Jandro

Weerarka: Suarez, Messi, Griezmann, Dembele, Fati, Braithwaite, Konrad.

Gool FM.


Viewing all articles
Browse latest Browse all 2505

Trending Articles