(Munich) 12 Agoosto 2020. Kooxda kubadda cagta Bayern Munich ee Waddanka Jarmalka ayaa xaqiijiyey in xiddig muhiim ah oo ka tirsan safkeeda uu seegay tababarkii ugu dambeeyey maanta ee ay isugu diyaarinayeen kulanka weyn ee Champions League oo ay ka horjeedaan Barcelona.
Alphonso Davies ayaa seegay tababarkii ugu dambeeyey ee kooxdiisa Bayern Munich ay maanta isugu diyaarinaysay kulanka ay wajahayaan naadiga reer Spain ee Barca, maxaa yeelay waxa uu sheeganayaa dhaawac muruqa ah.
Xiddigan Alphonso Davies oo ah mid lafdhabar u ah kooxda Bayern Munich ayaa seegay tababarkii maanta oo Arbaco ah ay kooxda reer Jarmal sameyanaysay, isagoo ku guuldarreysay inuu tababar la sameeyo kooxda inteeda kale.
Laacibkan xawaaraha badan ee reer Canada ayaa xilli ciyaareed fiican soo qaatay ka hor kulanka Champions League ee ay kooxdiisu la ciyaareyso Barcelona wareegga siddeed dhammaadka ee Champions League, maqnaanshihiisa ayaana si weyn loo dareemayaa haddii uusan ciyaarin.
Kooxda Bayern Munich ayaa barteeda twitter-ka ku soo daabacday in Davies uu ka maqnaa Tababarka, isagoo ka hortagaya sababo la xiriira dhibaato dhanka muruqa ah.
Haddii uusan Davies ciyaarin, David Alaba ayay u badan tahay inuu u wareegi doono oo uu buuxin doono booska daafaca bidix kulanka Barcelona.
Dhinaca kale, labada ciyaaryahan ee ka tirsan Bayern Munich, kuwaasoo shaki laga galinayo inay ciyaari karaan kulanka Barcelona waa Kingsley Coman iyo Jerome Boateng.
Gool FM.