Quantcast
Channel: Champ’ League – Gool FM
Viewing all articles
Browse latest Browse all 2505

“Waan u dhowaan waayey Thiago!” Mason Mount oo afka furtay kaddib cashirkii adkaa ay ka barteen kooxda Bayern Munich

$
0
0

(London) 02 Seb 2020. Ciyaaryahanka qadka dhexe kooxda Chelsea ee Mason Mount ayaa qirtay in kulankii ay ku wajaheen naadiga Bayern Munich tartanka tartanka Champions League uu cashar adag u yahay Blues.

Bayern Munich ayaa ku reebtay Chelsea wareega 16-ka tartanka Champions League, waxayna kooxda reer Germany ku adkaatay labada lug ee wareegan wadar ahaan goolal gaaraya 7-1.

Sida uu daabacay wargeyska “Daily Mail” wareysi uu bixiyay Mason Mount ayaa wuxuu ku sheegay inay cashar adag u tahay guuldarradii ay kala kulmeen Bayern Munich, wuxuuna yiri:

“Bayern Munich waxay heysataa ciyaartoy heer caalami ah, sida Robert Lewandowski, Joshua Kimmich iyo Thiago Alcântara oo qadka dhexe u jooga, waan awoodi waayey inaan u dhawaado Thiago”.

Chelsea news: Mason Mount admits he couldn't cope with Liverpool transfer target Thiago | Football | Sport | Express.co.uk

“Kubadda ayey ugu baasayaan kooxda si dhaqsi leh, marka aad wajahdo ciyaartoy sidan oo kale ah, waxaad ku fikireysaa, siddeen u joojin karnaa arrintan?”.

“Waxay ahayd daqiiqad weyn, waxay iga dhigtay inaan ogaado (tani waa heerka ku xiga, waa heerka ay tahay inaad gaarto) waxaana iga go’an inaan si adag u shaqeeyo oo aan gaaro heerkan”.

“Wuxuu  ahaa cashar adag, laakiin wax badan ayaan ka faa’iidaysanay khibradaas waxaana ku soo laaban doonaa si xoogan”.

Waxaa xusid mudan in magaca Thiago Alcântara lala xiriirinayo inuu ku biirayo horyaalka Ingiriiska xagaagan, gaar ahaan kooxaha Liverpool iyo Manchester United, iyadoo loo tixgalinayo in qandaraaskiisa naadiga Bayern Munich uu dhacayo bisha June ee 2021.

Gool FM.


Viewing all articles
Browse latest Browse all 2505

Trending Articles