Quantcast
Channel: Champ’ League – Gool FM
Viewing all articles
Browse latest Browse all 2505

Andrea Pirlo oo shaaca ka qaaday hiigsiga kooxda Juventus ee xilli ciyaareedka cusub

$
0
0

(Turin) 04 Seb 2020. Tababaraha cusub Juventus ee Andrea Pirlo ayaa rajo weyn ka qaba kooxdiisa xilli ciyaareedka cusub, wuxuuna xaqiijiyay inuu doonayo inuu ilaaliyo koobka horyaalka Talyaaniga isla markaana uu gaaro heerka ugu dambeeya ee tartanka Champions League.

Kooxda Bianconeri ayaa dhawaan ku soo laabtay tababarka, Andrea Pirlo ayaa dareensan inay jirto xamaasad iyo rabitaan weyn ay qabaan ciyaartoyda inuu markale bilowdo xilli ciyaareedka cusub, kuwaasoo haatan ku sugan tababarka.

Tababaraha cusub Juventus ee Andrea Pirlo ayaa wareysi uu ku bixiyay shabakda rasmiga ah ee kooxda wuxuu ku yiri:

“Waxaan heystaa aragti wanaagsan sababtoo ah waxaa jira rabitaan weyn, Qaar ayaa baxay si ay u caawiyaan xulkooda, laakiin waxaan sii wadeynaa inaan la shaqeyno kuwa halkaan nagula sugan”.

“Waxaan dooneynaa inaan si fiican wax u qabto waxaana qabanay nooc cusub oo tababar ah waana waxa runtii iyaga xamaasad galliyay”.

“Waxaan leenahay hami weyn, waxaana laga yaabaa inaan higsano inaan gaarno dhamaadka ololaha Champions League”.

“Waxaa jira rajo weyn iyo rabitaan, laakiin halkan waa inaan sameynaa sida ugu fiican”.

Gool FM.


Viewing all articles
Browse latest Browse all 2505

Trending Articles