Quantcast
Channel: Champ’ League – Gool FM
Viewing all articles
Browse latest Browse all 2505

RASMI: Liiska xiddigaha Kooxda Manchester City uga qeyb galaya tartanka Champions League oo la shaaciyey… (Miyey ku jiraan saxiixyada cusub ee Man City?)

$
0
0

(Manchester) 08 Okt 2020. Kooxda kubadda cagta Manchester City ayaa xaqiijisay xiddigaha uga qeyb gali doona tartanka Champions League, iyadoo ay ku soo baxeen saxiixyada cusub ee City.

Tababare Pep Guardiola ayaa ku dhawaaqay 21-kiisa ciyaaryahan ee uga qeyb gali doona heerka guruubyada Champions League kal ciyaareedkan 2020/21.

Saddexda saxiix ee ay sameysay xagaagan kooxda Sky Blue ee kala ah Ferran Torres, Nathan Ake iyo Ruben Dias ayaa sidoo kale ku jira liiskan.

Haddaba halkaan hoose ka eeg liiska dhammaystiran ee Kooxda Manchester City uga qeyb gali doona Champions League:-

Goolhayeyaasha: Ederson, Steffen, Carson

Daafacyada: Walker, Cancelo, Stones, Laporte, Ake, Mendy, Dias

Khadka dhexe: Gundogan, Rodri, De Bruyne, Bernardo, Fernandinho, Zinchenko, Mahrez.

Weerarka: Sterling, Jesus, Aguero, Torres.

Gool FM.


Viewing all articles
Browse latest Browse all 2505

Trending Articles