(Yurub) 10 Okt 2020. Macalinkii hore kooxda Arsenal ee Arsene Wenger ayaa sheegay kooxda uu u arko inay tahay tan ugu fiican Yurub xilligan la joogo.
Arsene Wenger ayaa aaminsan in Bayern Munich ay tahay kooxda ugu fiican Yurub, sababo la xiriira daciifnimada kooxaha Barcelona iyo Real Madrid.
Kooxda Bayern Munich ayaa loo caleemo saaray koobka Champions League xilli ciyaareedkii hore, kaddib markii ay kaga reebtay Barcelona wareega siddeeda, halka Real Madrid looga reebay tartankan wareega 16-ka.
Arsene Wenger ayaa wareysi uu bixiyay wuxuu ku sheegay:
“Ulama jeedo inaan dhayalsado muhiimada ay leedahay waxqabadka kooxda haatan, Bayern ayaa haatan ah kooxda ugu fiican Yurub”.
“Laakiin tani waxaa sidoo kale sabab u ah inaysan jirin kooxo kale oo waa weyn, Barcelona waa daciif, Real Madrid sidoo kale waa daciif”.
“Philipp Lahm, Franck Ribery, Arjen Robben, Bastian Schweinsteiger iyo Toni Kroos, waxay lahaayeen tayo sarre oo boos kasta ah”.
“Kooxda hadda jirta wali waa la horumarin karaa, laga yaabee inay gaarto heerka kooxdii 2013, laakiin wali sidaas uma fiicna”.
Gool FM.