(Manchester) 25 Nof 2020. Tababaraha kooxda Manchester United ee Ole Gunnar Solskjær ayaa sharaxaad ka bixiyay aragtidiisa ku aadan qaab ciyaareedka labada xidig Red Devils ee Donny van de Beek iyo Edinson Cavani.
Kooxda kubadda cagta Manchester United ayaa garoonkeeda Old Trafford guul ay u qalaynatay kaga gaartay naadiga Istanbul Basaksehir, kaddib markii ay kaga adkaatay 4-1, waxaana goolasha u kala dhaliyay Bruno Fernandes oo 2 gool ah, Marcus Rashford iyo Daniel James.
Haddaba ciyaarta kaddib ayaa wareysi uu bixiyay tababare Ole Gunnar Solskjær wuxuu ku ammaanay qaab ciyaareedka xiddigaha Donny van de Beek iyo Edinson Cavani, wuxuuna yiri:
“Donny van de Beek iyo Edinson Cavani waxay la qabsadeen sida aan doonayno inay u ciyaaraan,”
“Van de Beek wuxuu ka ciyaari karaa boosas kala duwan, Edinson isna waa nambarka sagaalaad oo heer sare ah, mana aanan helin taas in muddo ah.”
“Waxaan dareemay qeybtii hore inaan si deg deg ah u aragnay ujeedka. Ciyaartoyda waxay doonayeen inay ciyaaraan oo ay ku raaxeystaan ciyaarta, waxaan ka filayay iyaga inay ku raaxeysantaan naftooda.”
“Waxaan dhalinay goolal aad u fiican. Waxaan u baahanahay hal dhibic, laakiin dabcan waxaan dooneynaa inaan noqono hoggaamiyaasha group-ka.”
Gool FM.