(Barcelona) 25 Nof 2020. Sergino Dest ayaa ka hadlay goolkiisii ugu horreeyey ee uu u dhaliyey kooxda Barcelona, waxaana uu xusay inuu aad ugu farraxsan yahay, isla markaana uu u baahnaa inuu dhaliyo goolkaan.
Sergino Dest ayaa shabaqa soo taabtay oo dhaliyey goolkiisii ugu horreeyey ee Barcelona, xilli xalay Kooxdiisa ay iska xaadirisay wareegga 16-ka Champions League.
Daafaca garabka midig ee reer Mareykan ayaa qeyb ka ahaa bandhiggii goolasha Barcelona ay xalay kaga adkaatay Kooxda Dynamo Kyiv , iyadoo kooxda Tababare Ronald Koeman oo aan wadan Lionel Messi ay marti ahaayeen, isla markaana ay saddexda dhibcood oo muhiim u ahaa soo qaateen.
“Dhab ahaantii anigu aad baan ugu farraxsanahay inaan dhaliyo goolkeygii ugu horreeyey” ayuu yiri Dest kulanka kaddib.
“Waxaan u malaynaa inaan u baahnayn gool, waxay ahayd mid muhiim ah in la dhaliyo gool oo ciyaarta laga dhigo 1-0, waxaana rajeyneynaa inay imaan doonaan kuwa badan.
“Waxaa noo harsan labo kulan oo dheeri ah, laakiin waxaan hadda ku jirnaa boos fiican, sidaas darteed aad ayaan ugu faraxsanahay inaan guuleysannay, mana sugi karo ilaa aan ka ciyaarno kulanka xiga.
Gool FM.