Quantcast
Channel: Champ’ League – Gool FM
Viewing all articles
Browse latest Browse all 2505

Muxuu ka yiri Koeman kaddib guushii ay Barcelona xalay kaga gaartay kooxda Dynamo Kyiv Champions League??

$
0
0

(Barcelona) 25 Nof 2020. Tababaraha kooxda Barcelona ee Ronald Koeman ayaa ka hadlay guushii weyneyd ay Barca xalay ka gaartay naadiga Dynamo Kyiv, taasoo ka dhigtay in kooxda reer Catalonia ay u soo baxdo wareega 16-ka ee tartanka Champions League.

Barcelona ayaa dhankeeda la’aanka Lionel Messi guul ka soo heshay kooxda Dynamo Kyiv, kaddib markii ay kaga soo adkaatay 0-4, waxaana goolasha u kala dhaliyay xiddigaheeda kala ah Antoine Griezmann, Sergino Dest, iyo 2 gool oo Martin Braithwaite ah.

Macalinka reer Holland ee Ronald Koeman ayaa ciyaarta kaddib wuxuu u sheegay warbaahinta:

“Waxaan gaarnay ujeedkeena kaddib markii aan la soo baxnay natiijo fiican, isla markaana aan u gudubnay wareega xiga ee 16-ka.”

“Kooxda waxay u shaqeysay si fiican inkasta oo aysan waxtar muuqda laheyn qeybtii hore ee ciyaarta.”

“Barcelona waxay soo bandhigtay ciyaar ka xeeladeysan kana fiican tii Camp Nou, gaar ahaan khadka dhexe, ciyaartoyduna waxay kula dagaalamayeen ciyaarta feejignaan sare, taasoo ceeb ku ahayd kooxda lugtii hore.”

“Maanta waxaan doonayay inaan abaalmariyo qaar ka mid ah ciyaartoyda oo aan nasiyo kuwa kale.”

“Kuwa maanta ciyaarayna waxay shaqeynayeen maalin walba si ay daqiiqado u helaan, waxay uqalmeen fursadan, waxayna sameeyeen soo laabasho heer sare ah.”

Gool FM.


Viewing all articles
Browse latest Browse all 2505

Trending Articles