Quantcast
Channel: Champ’ League – Gool FM
Viewing all articles
Browse latest Browse all 2505

Real Madrid oo guul gaartay, Liverpool oo la garaacay & guud ahaan natiijooyinka kulammadii caawa laga ciyaaray Champions League… SAWIRRO

$
0
0

(Yurub) 26 Nof 2020. Waxaa caawa la ciyaaray ciyaaro aad u xiiso badan ee ka tirsan kulamada afaraad wareega Group-yada tartanka Champions League ee xilli ciyaareedkan 2020/21.

Kooxaha Real Madrid, Liverpool, Man City, Bayern Munich iyo Atletico Madrid ayaa ka mid ahaa kooxihii ugu muhiimsanaa ee caawa ciyaaray kulammadii koobka horyaallada Yurub.

Naadiga reer Spain ayaa guul ka soo heshay 10 xiddig oo Inter Milan ah kaddib markii ay kaga soo adkaadeen 0-2, waxaana goolasha u kala dhaliyay xiddigaha Eden Hazard iyo Rodrygo

Dhinaca kale kooxda difaacaneysa tartankan ee Bayern Munich ayaa guul ka gaartay kooxda Salzburg, kaddib markii ay kaga adkaatay 3-1, waxaana goolasha u kala dhaliyay Robert Lewandowski, Leroy Sane iyo Maximilian Woeber oo gool iska dhaliyay, xilli naadiga Bavarian ay u gudubtay wareega 16-ka ee tartanka Champions League.

Haddaba halkaan hoose ka eeg guud ahaan natiijooyinka kulammadii caawa laga ciyaaray Koobka Horyaallada Yurub ee Champions League:-

GROUP A

Atletico Madrid 0 – 0 Lokomotiv Moscow

Bayern Munich 3 – 1 Salzburg

GROUP B

Borussia Moenchengladbach 4 – 0 Shakhtar Donetsk

Inter 0 – 2 Real Madrid

GROUP C

Olympiacos 0 – 1 Manchester City

Marseille 0 – 2 FC Porto

GROUP D

Ajax 3 – 1 FC Midtjylland

Liverpool 0 – 2 Atalanta

SAWIRRO:

Image

Image

Image

Image

Image

Image

Image

Image

Image

Image

Gool FM.


Viewing all articles
Browse latest Browse all 2505

Trending Articles