Quantcast
Channel: Champ’ League – Gool FM
Viewing all articles
Browse latest Browse all 2505

Muxuu ka yiri Raphaël Varane kaddib guushii ay Real Madrid ka gaartay kooxda Inter Milan??

$
0
0

(Yurub) 26 Nof 2020. Daafaca reer France iyo kooxda Real Madrid ee Raphaël Varane ayaa ka hadlay guushii ay xalay Los Blancos kaga gaartay naadiga Intar Milan tartanka xiisaha badan ee tartanka Champions League

Naadiga reer Spain ayaa guul ka soo heshay 10 xiddig oo Inter Milan ah kaddib markii ay kaga soo adkaadeen 0-2, waxaana goolasha u kala dhaliyay xiddigaha Eden Hazard iyo Rodrygo.

Haddaba sida laga soo xigtay wargeyska “Marca” ee dalka Spain Raphaël Varane ayaa ciyaarta kaddib u sheegay warbaahinta in kooxdiisu ay ciyaartay ciyaar isku dhafan wuxuuna yiri:

“Waxaan u difaacanay si fiican iyo dabeecad aad u wanaagsan, heerka weerarka waxaan si fiican u maamulnay ciyaarta oo aan gacanta ku heynay.”

“Waxaan u baahanahay qof walba, qof walbana inuu ku lug yeesho, oo aan diirada saarno waxa aan sameyneyo, waxaa nahay koox is caawisa, waxaana sameyn karnaa xilli ciyaareed wanaagsan.”

Daafaca reer France ayaa hadalkiisa ku soo gabagabeeyay:

“Waa inaan si fiican uga soo kabsanaa marka la fiiriyo jadwalka aadka u adag, waxaa jira kulamo badan, way cadahay in dhanka daafaca ay aheyd inaan fiicnaano, laakiin mudnaanta waxaa leh qof walba, waa inaan ka fikirno kaliya kulanka soo socda oo aan sii wadno ilaa iyo dhamaadka.”

Gool FM.


Viewing all articles
Browse latest Browse all 2505

Trending Articles