Quantcast
Channel: Champ’ League – Gool FM
Viewing all articles
Browse latest Browse all 2505

Jürgen Klopp oo ka hadlay guuldarradii Liverpool ka soo gaartay kooxda Atalanta

$
0
0

(Yurub) 26 Nof 2020. Macalinka reer Germany iyo kooxda Liverpool ee Jürgen Klopp ayaa aaminsan in Reds ay u qalantay in laga adkaado kulankii xalay ee Champions League.

Kooxda kubadda cagta Atalanta oo marti ku aheyd garoonka Anfield ayaa ku soo adkaatay 0-2, waxaana goolasha u dhaliyay xiddigaheeda Josip Ilicic iyo Robin Gosens, xilli ay ciyaartaan qeyb ka ahayd kulamada Afaraad wareega group-yada ee  tartanka Champions League.

Tababare Jürgen Klopp ayaa kaddib ciyaarta u sheegay warbaahinta:

“Ma aheyn ciyaar u wanaagsan labada kooxood, labada kooxood ma aysan abuurin fursado badan.”

“Waa guuldarro aan u qalanay oo aheyd ciyaar adag, garsooruhu ma uusan yeerinin firimbiga wax badan, taasina waxay xaalada ku adkeysay labada dhinac, wuxuu ahaa iska horimaad aad iyo aad u xoogan waxaadna u baahan tahay xoogaa nasiino ah.”

“Marka qeybtii hore ay dhamaatay, sida caadiga ah waa xasilloon tahay, laakiin ciyaartoy qaarkood oo aan dheelin in muddo ah, way ku adkaatay iyaga, ma aanan helin waddo loo maro ciyaarta.”

”Way fududahay in laga hadlo kulan fiican. Waxaan haysanay daqiiqado laakiin maanaan helin fursado dhab ah, tani waxay ku dhici kartaa kooxaha kale.”

Gool FM.


Viewing all articles
Browse latest Browse all 2505

Trending Articles