(Madrid) 29 Nof 2020. Tababaraha Real Madrid ee Zinedine Zidane ayaa ku dhawaaqay liiska xiddigaha kooxdiisa uga qeyb galaya kulanka adag Shakhtar Donetsk ee tartanka Champions League.
Real Madrid ayaa ku booqan doonto kooxda kubadda cagta ee Shakhtar Donetsk garoonkeeda Stadion NSK Olimpiyskiy, Kyiv, waxaana liiska uu ku dhawaaqay macallin Zinedine Zidane dib ugu soo laabtay weeraryahanka reer France ee Karim Benzema.
Laakiin taasi badelkeeda waxaa liiska xiddigaha kooxda Real Madrid ka maqan ciyaartoyda kala ah Sergio Ramos, Eden Hazard, Valverde, Carvajal, iyo Jovic.
Halkaan hoose ka eeg liiska xiddigaha Rela Madrid uu ku dhawaaqay tababare Zinedine Zidane kuwaasoo ka qeyb galaya kulanka ay habeen dambe booqanayaan Naadiga Shakhtar Donetsk ee tartanka Champions League:-
Gool FM.