Quantcast
Channel: Champ’ League – Gool FM
Viewing all articles
Browse latest Browse all 2505

Tababare Ronald Koeman oo shaaciyey liiska xiddigaha Barcelona uga qeyb galaya kulanka Ferencvaros… (Messi oo Maqan & Lenglet oo ku jira)

$
0
0

(Barcelona) 01 Dis 2021. Tababaraha Barcelona ee Ronald Koeman ayaa ku dhawaaqay liiska xiddigaha kooxdiisa ee uga qeyb galaya kulanka habeen dambe ee tartanka UEFA Champions League.

Barcelona ayaa habeen dambe ku booqan doonta naadiga Ferencvaros garoonkeeda Puskas Arena, waxaana liiska uu ku dhawaaqay macallin Koeman ka maqan kabtanka kooxda ee Lionel Messi.

Sidoo kale waxaa liiskan ku soo baxay daafaca reer France ee Clément Lenglet, inkasta oo uu dhaawac ka soo gaadhay kulankii Sabtida la soo dhaafay ay kula ciyaareen kooxda Osasuna horyaalka La Liga ee dalka Spain.

Halka daafacyada kale ee Gerard Pique, Sergi Roberto, Samuel Umtiti iyo Ronald Araujo ay wali halkooda ka sii wadaan ku maqnaanshiyaha dhaawacyo ay qabaan.

Halkaan hoose ka eeg liiska xiddigaha Barcelona ee uu ku dhawaaqay Ronald Koeman:-

Image

Gool FM.


Viewing all articles
Browse latest Browse all 2505

Trending Articles