Quantcast
Channel: Champ’ League – Gool FM
Viewing all articles
Browse latest Browse all 2505

Horudhac: RB Leipzig vs Manchester United… (Maxay u baahan yihiin labada koox si ay ugu soo gudbaan wareegga 16-ka Champions League?)

$
0
0

(Leipzig) 08 Dis 2020. Dagaal adag ayaa dhex mari doona kooxaha RB Leipzig iyo Manchester United marka ay caawa isku wajahaan kulanka ugu dambeeya ee marxaladda Guruubyada tartanka Champions League fasal ciyaareedkan, maadaama labada koox ay u baahan yihiin inay u soo baxaa wareegga xiga ee 16-ka.

Red Devils waxay u baahan tahay ugu yaraan barbarro si ay ugu soo baxdo wareegga xiga, balse haddii ay guuldarro la kulanto waxay halis ugu jirtaa inay tartankan macsalaameyso, halka naadiga Jarmalka ka dhisan ay ku filan tahay guul si ay u xaqiijiso booskeeda wareegga bug-baxda.

Leipzig ayaa barbarro kusoo gudbi karta haddii Paris Saint-Germain ay guuldarro kala kulanto kooxda Istanbul Basaksehir.

Manchester United, PSG iyo RB Leipzig ayaa min sagaal dhibcood leh, waxaana mid walba ay fursad u heysataa inay kasoo gudubto Guruubka H oo ay ku wada jiraan, inkastoo fursadaha ay kala ballaaran yihiin.

Ogeysiiska Ciyaarta:-

Tartanka: UEFA– Champions League

Taariikhda: Talaado 08 Dis 2020

Saacadda ay bilaabaneyso dheesha: 11:00 Habeennimo xilliga geeska Afrika.

Garoonka:Red Bull Arena Leipzig

Garsooraha: Antonio Mateu (Spain)

Wararka Kooxaha:-

Leipzig ayaa markale weyn doontaa adeegga Lukas KlostermannFabrice HartmannKonrad LaimerBenjamin Henrichs iyo Hwang Hee-chan kulanka caawa, waxaana xiddigahaas ay ciyaartan ku seegayaan dhaawacyo kala duwan.

Manchester United ayaanan caawa heysan laacibkooda qadka dhexe ee Fred oo ganaax ku seegaya ciyaartan kaddib casaan loo taagay kulankii PSG, waxayna taas suuro gelineysaa in Paul Pogba uu ku soo billawdo shaxda koowaad.

Man United ayaa sidoo kale safarkeeda Jarmalka ka soo reebtay Anthony Martial iyo Edinson Cavani maadaama labada xiddigba ay dhaawacyo muruqa ka soo gaareen ciyaartii horyaalka Ingiriiska ka tirsaneyd ee ay la ciyaareen West Ham United, balse Macallin Ole Gunnar Solskjaer ayaa helaya David de Gea oo taam ah.

Xaqiiqooyinka ciyaarta:-

Fool Ka Fool

Kani waa kulankii labaad oo ay labadan koox ku kulmayaan tartanka Champions League, waxaana ciyaartii hore ee labadan koox dhex martay guusha qaadatay Manchester United oo 5-0 kaga adkaatay RB Leipzig lugtii koowaad ee wareegga Guruubyada xilli ciyaareedkan.

Gool FM.


Viewing all articles
Browse latest Browse all 2505

Trending Articles