(Barcelona) 08 Dis 2020. Markii ugu horreysay muddo labo sano kaddib ah, waxaa garoommada kubadda cagta lagu arki doonaa Lionel Messi iyo Cristiano Ronaldo oo ku wada jira xeyndaabka cagaaran ee kubadda lagu ciyaaro marka ay caawa Barcelona soo dhoweyneyso kulanka ugu dambeeya ee Guruubka G ee tartanka UEFA Champions League-ga.
Blaugrana ayaa dooneysa inay ku dhammeysato booska ugu sarreeya ee Guruubkeeda, halka Bianconeri ay dooneyso ka aar gudashada kooxda reer Spain maadaama Turin lagu soo garaacay lugtii hore.
Inkastoo ay labadan koox usoo wada gudbeen wareegga 16-ka ee tartanka Champions League, haddana waxaa ciyaartan loo daawanayaa inay iska hor imaanayaan labada xiddig ee ugu maqaamka sarreeya kubadda cagta xilligan, kuwaasoo xafiiltan kulul kusoo bandhiga garoommada.
Ogeysiiska Ciyaarta:-
Tartanka: UEFA– Champions League
Taariikhda: Talaado 08 Dis 2020
Saacadda ay bilaabaneyso dheesha: 11:00 Habeennimo xilliga geeska Afrika.
Garoonka: Camp Nou
Garsooraha: Tobias Stieler (Germany)
Wararka Kooxaha:-
Barcelona ayaa xaqiijisay galabnimadii Axadda in xiddigeeda Ousmane Dembele uu dhaawac cajarka ah ka soo gaaray kulankii ay Cadiz la ciyaareen Sabtidii, taasoo la micno in laacibka Faransiiska ah ee seegi doono kulankan.
Dembele ayaa liiska dhaawacyada kula biiray Ansu Fati, Gerard Pique, iyo Sergi Roberto, si la mid ah Samuel Umtiti ayaa ciyaartan dhibaato dhanka jilibka ah ku seegi doono.
Inkastoo xilli hore ay xirteen booskooda wareegga xiga, haddana Ronald Koeman ayaa la filayaa inuu saf xooggan ciyaartan la soo galo, iyadoo ay suuro gal tahay in Lionel Messi, Philippe Coutinho iyo Antoine Griezmann ay safka hore ka soo wada muuqdaan.
Dhanka Juventus waxaa ka maqan Merih Demiral, Giorgio Chiellini iyo Gianluigi Buffon oo dhammaantood dhaawacyo qaba, balse waxaa kooxda ku soo laabtay Alvaro Morata oo ganaax ku seegay kulankii Serie-A ee toddobaadkan.
Weeraryahanka reer Spain ayaa la filayaa inuu weerarka kula soo billawdo Cristiano Ronaldo, taasoo la micno ah in Paulo Dybala loo diri doono kursiga keydka, iyadoo garbaha ay ka soo muuqan karaan Federico Chiesa iyo Dejan Kulusevski.
Xaqiiqooyinka ciyaarta:-
Fool Ka Fool
Kulanka caawa Camp Nou ka dhici doona waxa uu noqonayaa kii 13-aad ee labadan koox dhex mara, waxaana Barcelona ay guuleysatay shan jeer, halka Juventus ay iyaduna adkaatay saddex jeer, afar kalena barbarro ayay galeen.
Ciyaartii ugu dambeysay ee Camp Nou ka dhacday, Barca ayaa 3-0 ku martay dhiggeeda kulan dhacay bishii Sebteembar ee 2017, waxaana Juve ay raadineysaa guusheedii ugu horreysay ee garoonkan markii ugu horreysay tan iyo wareeggii rubac-dhammaadka Champions League ee fasal ciyaareedkii 2003-04.
Kulankii ugu muhiimsanaa ee labadan koox dhex mara waxa uu ahaa fiinaalkii Champions League ee xilli ciyaareedkii 2014-15, xilligaas oo ay Barcelona 3-1 koobka kaga qaadday Juventus.
Safafka macquulka ee labadan koox:-
Gool FM.