(Barcelona) 08 Dis 2020. Tababaraha kubadda cagta Barcelona ee Ronald Koeman ayaa ku dhawaaqay liiska xiddigaha kooxdiisa uga qeyb galaya kulanka adag ee Champions League oo ay caawa ka horjeedaan Juventus.
Barcelona ayaa garoonkeeda Camp Nou ku soo dhoweynaysa kooxda kubadda cagta ee Juventus, waxaana liiska uu ku dhawaaqay macallin Ronald Koeman hoggaanka u haya kabtan Lionel Messi.
Cristiano Ronaldo ayaa caawa wajahaya Lionel Messi, waxaana uu doonayaa inuu gool ka dhaliyo markii ugu horreysay isagoo Champions League ku wajahaya kabtanka xulka qaranka Argentina.
Halkaan hoose ka eeg liiska xiddigaha Barcelona ee uu ku dhawaaqay tababare Ronald Koeman kuwaasoo ka qeyb galaya kulanka caawa ay soo dhoweynayaan kooxda reer Talyaani ee Juventus:-
Gool FM.