(Madrid) 08 Dis 2020. Ciyaaryahanka qadka dhexe kooxda Real Madrid iyo xulka qaranka Brazil ee Casemiro ayaa sheegay in kulanka Borussia Mönchengladbach uu muhiimad weyn u leeyahay xiddigaha Los Blancos.
Hadalka Casemiro ayaa wuxuu imaanayaa xilli haddii ay habeen dambe kooxdiisa Real Madrid guuldarro kala kulanto naadiga Borussia Mönchengladbach ay ku macsalaameyneysto tartanka Champions League wareega group-yada xilli ciyaareedkan.
Real Madrid ayaa ku jirta kaalinta saddexaad dhanka kala sareynta GROUP B iyada oo leh 7 dhibcood, sidaas darteedna waxay u baahan tahay guul si ay ugu gudubto wareega xiga ee 16-ka, sidoo kale waxay u baahan tahay barbaro si ay u gudubto, laakiin waa haddii Shakhtar Donetsk laga badiyo kulanka ay wajaheyso Inter Milan.
Casemiro oo ka soo muuqday shirka jaraa’id ee kahor kulanka Borussia Mönchengladbach ayaa wuxuu yiri:
“Waan ognahay in kulanka Borussia Mönchengladbach uu yahay kan ugu muhiimsan xilli ciyaareedkan, mana ku fikireyno wax aan ka aheyn inaan guuleysano.”
“Waxaan la ciyaareynaa kooxda hoggaamineysa groupka, waana inaan ixtiraamnaa, laakiin waxay ku xiran tahay anaga, waa ciyaar final ah.”
Mar wax laga weydiiyay suurtagalnimada ay kooxdiisa Real Madrid kaga ciyaari karto tartanka kale xiisaha leh ee UEFA Europa League, Casemiro ayaa wuxuu yiri:
“Marka hore waxaan doonayaa inaan ka ciyaaro Champions League, waxaa jira fursado badan. Laakiin haddii aanan u soo bixi karin, markaa waxaan doonayaa inaan ka ciyaaro Europa League. Waxaan kaliya ka fekereynaa inaan guuleysano, kooxdan waxay ku nooshahay koobab. Haddii aan ciyaaro Europa League, waxaan doonayaa inaan ku guuleysto.”
Intaas kaddib Casemiro ayaa wuxuu ka hadlay Zinedine Zidane, wuxuuna yiri:
“Kooxda oo dhan isaga ayeey ku kalsoon tahay, taariikhda uu halkan ka sameeyay ayaa ka hadleysa. xilli ciyaareedkii hore waxaan ku guuleysanay labo koob, laakiin wuxuu sameynayo si dhaqso leh ayaa loo ilaaway.”
Gool FM.