Quantcast
Channel: Champ’ League – Gool FM
Viewing all articles
Browse latest Browse all 2505

Horudhac: Real Madrid vs Borussia Mönchengladbach… (Maxay u baahan tahay Los Blancos si ay ugu soo baxdo wareegga 16-ka Champions League?)

$
0
0

(Madrid) 09 Dis 2020. Naadiga Real Madrid ayaa ku jirta guruubka ugu mashquulka badan tartanka UEFA Champions League xilli ciyaareedkan, waxaana xusid mudan in caawa mid walba oo ka mid ah guruubkan ay leedahay rajo ku aaddan inay usoo gudubto wareegga bug-baxda.

Kooxda uu hoggaamiyo Macallin Zinedine Zidane ayaa caawa garoonkeeda kusoo dhoweyn doonta naadiga Borussia Mönchengladbach kulanka ugu dambeeya guruubka, waxaana qasab ku ah inay guuleysato si ay uga soo baxdo guruubkeeda.

Los Blancos waxay uruursatay toddobo dhibcood shantii kulan ay hore u ciyaartay, waxaana caawa haddii ay guul gaarto usoo bixi doontaa marxaladaha kale ee tartankan, halka kooxda Jarmalka ka soo safreysa ay u ku filan tahay inay barbarro ka hesho kulanka ka dhacaya caasimadda Spain, maadaama ay hadda heysato siddeed dhibcood.

Waxaa labadan koox guruubka ku wehliya Inter Milan oo leh shan dhibcood iyo Shakhtar Donetsk oo leh toddobo dhibcood.

Ogeysiiska Ciyaarta:-

Tartanka: UEFA– Champions League

Taariikhda: Arbaco 09 Dis 2020

Saacadda ay bilaabaneyso dheesha: 11:00 Habeennimo xilliga geeska Afrika.

Garoonka: Alfredo Di Stefano

Garsooraha:Bjorn Kuipers (Netherlands)

Wararka Kooxaha:-

Real Madrid ayaa la filayaa inay dib u heleyso kabtankeeda Sergio Ramos iyo difaaca midig ee Dani Carvajal kuwaasoo kusoo laabtay safka u diyaarsan ciyaartan, haka reebin Alvaro Odriozola oo isaguna kulankan xaadir u ah.

Eden Hazard, Federico Valverde, Luka Jovic iyo Mariano Diaz ayaa dhammaantood ciyaartan ku seegaya dhaawacyo kala duwan.

Nico Elvedi oo aan qatar la galinin kulankii ugu dambeeyay ee horyaalka ayaa suuro gal inuu kusoo billawdo safka koowaad ee Gladbach kaddib soo kabshadiisa dhaawacii uu garoommada kaga maqnaa.

Oscar Wendt ayaa ka sii ciyaari doona difaaca bidix haddii uusan ciyaartan taam u noqon Ramy Bensebaini oo bishii hore laga helay xanuunka Korona Fayras.

Xaqiiqooyinka ciyaarta:- 

Fool Ka Fool

Waa markii labaad oo ay labadan koox ku kulmayaan tartanka UEFA Champions League, waxaana kulankoodii hore uu ahaa lugtii koowaad ee wareegga guruubka xilli ciyaareedkan.

Kulankaas waxa uu ku soo idlaaday barbarro 2-2 ah, waxaana caawa ay ku balansan yihiin kulan u dhigma kama dambeys.

Safafka macquulka ee labada koox ku soo gali karaan:-

Gool FM.


Viewing all articles
Browse latest Browse all 2505

Trending Articles