(Yurub) 09 Dis 2020. Waxaa caawa la ciyaaray ciyaaro ka tirsan kulamada ugu dambeeya ee marxaladda Guruubyada tartanka xiisaha badan ee UEFA Champions League, kal ciyaareedkan 2020/21.
Kooxaha waa weyn ee caawa ciyaaray kulamada ugu dambeeya ee marxaladda Guruubyada tartanka xiisaha badan ee UEFA Champions League, waxaa ka mid ah, Chelsea, Juventus, Barcelona, iyo Manchester United.
Kooxda kubadda cagta Juventus ayaa ka aargoosatay naadiga Barcelona oo ay ku booqatay garoonka Camp Nou, kaddib markii ay kaga soo adkaatay 0-3, waxaana goolasha u kala dhaliyay Cristiano Ronaldo oo 2 gool ah, iyo Weston McKennie.
Kooxda RB Leipzig ayaa cashir lama ilaabaan ah u dhigtay naadiga reer England ee Manchester United, kaddib markii ay kaga adkaatay 3-2, Leipzig ayaa u gudubtay wareega xiga ee 16-ka, halka United-ka ay ka war sugi doonto natiijada ka soo baxda kulanka la joojiyay ee PSG iyo Istanbul.
Dhanka kale waxaa gabi ahaanba la joojiyay kulankii u dhaxeeyay kooxaha Paris Saint-Germain iyo Istanbul Basaksehir, kaddib markii ay kooxda reer Turkey ku eedeysay garsoorka afaraad ee ciyaarta inuu kula kacay fal cunsirnimo ah.
Haddaba halkaan hoose ka eeg guud ahaan natiijooyinka kulammadii caawa laga ciyaaray Koobka Horyaallada Yurub ee Champions League:-
GROUP E
Chelsea1 – 1 FC Krasnodar
Rennes 1 – 3 Sevilla
GROUP F
Lazio 2 – 2 Club Brugge
Zenit St. Petersburg 1 – 2 Borussia Dortmund
GROUP G
Barcelona 0 – 3 Juventus
Dynamo Kyiv 1 – 0 Ferencvaros
GROUP H
Int. Paris Saint-Germain 0 – 0 Istanbul Basaksehir
RasenBallsport Leipzig 3 – 2 Manchester United.
SAWIRRO:
Gool FM.