Quantcast
Channel: Champ’ League – Gool FM
Viewing all articles
Browse latest Browse all 2505

Muxuu Toni Kroos ka yiri wararka Real Madrid la xiriirinaya xiddigaha Mbappé iyo Haaland?

$
0
0

(Madrid) 23 Feb 2021. Ciyaaryahanka khadka dhexe kooxda Real Madrid ee Toni Kroos ayaa xaqiijiyay in labada xiddig ee Kylian Mbappé iyo Erling Haaland ay yihiin kuwo cajiib ah, isla markaana ay caawin karaan koox kasta, laakiin wuxuu iska diiday inuu wax fikrad ah ka dhiibto suutagalnimada ay ugu biiri karaan Los Blancos.

Hadalka Toni Kroos ayaa wuxuu yimid kaddib markii uu ka soo muuqday shirka jaraa’id ee kahor kulanka habeen dambe ee Real iyo Atalanta ay ku wada ciyaari doonaan lugta hore wareega 16-ka ee tartanka Champions League.

Haddaba wargeyska “Marca” ee dalka Spain ayaa soo xigtay jawaabta uu Toni Kroos kaddib markii la weydiiyay su’aal ku saabsan suurtagalnimada ay xiddigaha Mbappé iyo Haaland ku matali karaan kooxda Real Madrid, wuxuuna yiri:

“Aad ayay u fiican yihiin waxayna caawin karaan koox kasta.”

“Dhibaatada waxay tahay inaysan barri i caawin doonin, sababtoo ah waxaan diirada saarayaa kulankeyga, taasi maahan mowduuceyga, waxaana su’aashan ay ku wanaagsan tahay in la weydiiyo Florentino Perez.”

Gool FM.


Viewing all articles
Browse latest Browse all 2505

Trending Articles