(Budapest) 25 Feb 2021. Manchester City ayaa guul ka gaartay kooxda Borussia Mönchengladbach kulanka lugta hore wareega 16-ka ee Champions League, kaddib markii ay kaga soo adkaatay 0-2, xilli ciyaartan ay ka dhacday garoon dhex-dhexaad ah oo ku yaalla magaalada Budapest ee ah caasimadda dalka Hungary.
Qeybta hore ee ciyaarta ayaa lagu kala nastay 0-1 ay ku hoggaamineysay kooxda Manchester City.
Daqiiqadii 29-aad kooxda kubadda cagta Manchester City ayaa hoggaanka u qabatay dheesha waxaana 0-1 ka dhigay Bernardo Silva, kaddib markii uu caawin ka helay Joao Cancelo.
Qeybta labaad ee dheesha marka dib leysugu soo laabtay labada dhinac ayaa waxay soo bandhigeen qaab ciyaareed aad u wanaagsan, iyagoo sameeyay fursado badan ee goolal loo filan karay.
65 daqiiqo marka ay ciyaarta mareysay Manchester City ayaa dhalisay gool labaad, kaddib markii uu u dheesha ka dhigay 0-2 Gabriel Jesus oo caawin ka helay Bernardo Silva.
Ugu dambeyntii ciyaarta ayaa ku dhamaatay 0-2 oo ay Man City kaga adkaatay kooxda Borussia Mönchengladbach, kulan ka tirsanaa lugta koowaad ee wareegga 16-ka tartanka UEFA Champions League, xilli ciyaartan ay ka dhacday garoon dhex-dhexaad ah oo ku yaalla magaalada Budapest ee ah caasimadda dalka Hungary.
SAWIRRO:
Gool FM.