(Atalanta) 25 Feb 2021. Real Madrid ayaa guul dirqi ah ka soo heshay 10 xiddig oo Atalanta ah kulanka lugta hore wareega 16-ka ee Champions League, kaddib markii ay kaga soo adkaatay 0-1, xilli ciyaartan ay ka dhacday garoonka naadiga reer Talyaani ee Gewiss Stadium.
Qeybtii hore ee ciyaarta ayeey labada kooxood Atalanta iyo Real Madrid ku kala nasteen barbardhac 0-0.
Qeybta labaad ee dheesha marka dib leysugu soo laabtay labada dhinac ayaa waxay soo bandhigeen qaab ciyaareed aad u wanaagsan, iyagoo sameeyay fursado badan ee goolal loo filan karay.
Daqiiqadii 86-aad kooxda kubadda cagta Real Madrid ayaa hoggaanka u qabatay ciyaarta waxaana 0-1 ka dhigay daafacooda reer France ee Ferland Mendy oo caawin ka helay Luka Modric.
Ugu dambeyntii ciyaarta ayaa ku dhamaatay 0-1 oo ay Real Madrid kaga adkaatay kooxda Atalanta, kulan ka tirsanaa lugta koowaad ee wareegga 16-ka tartanka UEFA Champions League, xilli ciyaartan ay ka dhacday garoonka naadiga reer Talyaani ee Gewiss Stadium.
SAWIRRO:
Gool FM.