(Liverpool) 19 Maarso 2021. Tababaraha reer Germany iyo kooxda Liverpool ee Jürgen Klopp ayaa ka hadlay isku aadkii tartanka UEFA Champions League ee maanta oo Jimco ah la sameeyay.
Waxaa duhurnimada maanta oo Jimco ah la sameeyey isku aadka wareegga Siddeeda ee tartanka UEFA Champions League, iyadoo ay ka soo baxeen kulamo waa weyn oo aad u xiiso badan.
Kulammada waa weyn ee la sugayo in lagu daawado wareega Siddeeda ee tartanka UEFA Champions League ayaa waxaa ka mid ah kulanka ay wada ciyaarayaan kooxaha Real Madrid iyo Liverpool.
Haddaba Website-ka rasmiga ah ee kooxda Liverpool ayaa wuxuu shaaca ka qaaday wareysi uu kaga hadlay Klopp isku aadkii la sameeyay ee tartanka UEFA Champions League, wuxuuna yiri:
“Alla muxuu ahaa isku aad xiiso badan, aad ayaan u faraxsanahay waxaanan sugayaa ciyaarta.”
Jürgen Klopp oo hadalkiisa sii wata ayaa wuxuu yiri:
“Isku aad u adag oo Liverpool ah, laakiin aad ayaan u aqbalayaa, waa inaan 100% diyaar u noqonaa.”
Gool FM.