Quantcast
Channel: Champ’ League – Gool FM
Viewing all articles
Browse latest Browse all 2505

Xiddiga ka tirsan Real Madrid oo ka carooday in Kooxdiisa lagu beegay Liverpool tartanka Champions League & Inuusan isagu…

$
0
0

(Madrid) 22 Maarso 2021. Xiddig ka tirsan Real Madrid ayaa la soo warinayaa inuu ka xanaaqsan yahay in kooxdiisa lagu beegay naadiga Liverpool tartanka Champions League, iyadoo sababtana shaaca laga qaaday.

Laacibka garabka uga ciyaara Real Madrid ee Eden Hazard ayaa la sheegayaa inuu ka carooday in kooxdiisa lagu aaddiyey dhiggeeda Liverpool heerka siddeed dhammaadka UEFA Champions League.

Kooxda ka dheesha horyaalka Premier League ee uu hoggaamiyo tababare Jurgen Klopp ayaa bilowga bisha soo aaddan ee April gaar ahaan 6-da bishaas booqanaysa dhiggeeda reer Spain ee Real Madrid ka hor lugta labaad oo ay siddeed maalmood kaddib garoonkooda Anfield ku soo dhoweyn doonaan.

Waxaa la fahamsan yahay in xiddiga reer Belgium ee Hazard oo u soo ciyaaray Chelsea isla markaan muddo dheer la soo xifaaltamayey Liverpool uu ka carooday isku aadkaas, sababo la xiriira inuu ugu yaraan seegi doono lugta hore haddiiba uusan maqnaan labada kulanba.

Sida uu warinayo Warsidaha DefensaCentral, 30-sano jirkaan waxa uu rumeysnaa in kulanka uu ka hortagayo Liverpool uu noqon lahaa mid fursad wanaagsan u siiya inuu dib u soo nooleeyo waayihiisa ciyaareed ee Real Madrid oo ku dhow inay soo gabagaboobaan sababo la xiriira dhaawacyo iyo inuusan si joogto ah u ciyaarin.

Warsidaha Spanish-ka ah waxa uu qormadiisa intaa raaciyey in Eden Hazard uu Liverpool u arko koox xifaaltan gaar ahi kala dhexeeyey 7-dii sano ee uu ku sugnaa Chelsea, isla markaana uu Reds ka hor tagi lahaa kulankan, taasoo uu rumeysan yahay inay ka dhigi lahayd mid isaga ku habboon oo uu tababare Zidane tusi lahaa awooddiisa ciyaareed oo uu weli ku soo bandhigi la’ yahay caasimadda Spain.

Eden Hazard 'annoyed' that Real Madrid have drawn Liverpool in Champions  League - Mirror Online

Yeelkeede, lama filayo in Hazard uu yimaado kulanka ay wajahayaan kooxda ka dheesha Premier League ee Liverpool.

Xilli ciyaareedkan Hazard ayaa kaliya u saftay Kooxdiisa Real Madrid 14 kulan, waxaana uu iminka ku maqan yahay dhaawac muruqa ah oo la filayo inuu xiriir la leeyahay canqowgiisa, kaasoo u baahan qalliin sida la warinayo.

Gool FM.


Viewing all articles
Browse latest Browse all 2505

Trending Articles