(Seville) 13 Abriil 2021. Iyadoo hal lug la sii gashay afar dhammaadka Champions League ayay kooxda Chelsea markale u safreysaa magaalada Seville, halkaasoo iyadoo gurigeeda loo xisaabinayo ay lugta labaad ee siddeed dhammaadka Champions League qaabilaysa caawa naadiga FC Porto.
Goolal ay ka kala heshay Mason Mount iyo Ben Chilwell ayay Blues guul xasilooni leh 2-0 ku soo heshay lugtii koowaad, waxaana kooxda xafidanaysa horyaalnimada Portuguese-ka ay doonaysaa inay ka soo laabato labadaas gool ee looga soo adkaaday lugtii hore.
Ogeysiiska Ciyaarta:-
Tartanka: UEFA – Champions League
Saacadda ay ciyaarta billaabaneyso: 10:00 Habeennimo xilliga geeska Afrika.
Garoonka: Estadio R. Sanchez Pizjuan
Garsooraha: Clement Turpin (France)
Wararka kooxaha:-
Tababare Thomas Tuchel ayaa rajaynaya inay u soo kabsadaan oo ay dib ugu laabtaan Andreas Christensen iyo Tammy Abraham kulanka ay caawa la leeyihiin FC Porto.
Thiago Silva ayaa si fiican loo nasiyay kaddib markii uu ganaax ku maqnaa kulankii Crystal Palace ee isbuucaan, waxaana laga yaabaa inuu soo bilowdo safka hore ee kooxda Blues.
N’Golo Kante ayaa ka soo kabsaday dhibaato muruqa ah, waxaana laga yaabaa inuu ciyaaro kulanka FA Cup ee ay la leeyihiin Manchester City, Tababare Tuchel ayaana laga yaabaa inuu isbedel ku sameeyo kooxdiisa.
Mehdi Taremi iyo Sergio Oliveira ayaa labaduba dib ugu soo laabtay kooxda FC Porto kaddib markii ay lugtii hore ganaax ku seegeen, labadaan ciyaaryahan ayaana la filayaa inay ku soo bilowdaan safka hore ee kulanka ka dhacaya garoonka the Roman Sanchez Pizjuan.
Luis Diaz iyo Marko Grujic ayaa la filayaa inay ka mid noqdaan xiddigaha ka ka maqnaan doona kooxda reer Portugal.
Diogo Costa ayaa ka maqnaan doona kooxda Porto, waxaana uu maqnaanshaha kula biirayaa ciyaaryahanka kale ee Mouhamed Mbaye.
Xaqiiqooyinka Ciyaarta:-
>- Chelsea ayaan la garaacin oo unbeaten ah sagaalkii kulan ee ay ciyaareen tartanka UEFA Champions League xilli ciyaareedkan, waxaana ay haystaan 7 guul iyo 2 barbaro, iyagoo badiyay 7 ka mid ah siddeedii kulan ee ugu dambeeyay.
>- FC Porto ayaan wax guul ah gaarin todobadii kulan ee ugu dambeeyay Champions League oo ay la ciyaartay kooxo ka socda dalka England, waxaana ay kala kulantay 2 barbaro iyo 5 guuldarro, guushoodii ugu danbeysay ee ay ka gaaraan koox Ingiriis ah tartankan waxa ay ahayd Leicester City oo ay garaaceen bishii December ee sanadkii 2016-kii.
>- Chelsea ayaa shabaqeeda gool ka ilaashatay todobo ka mid ah sagaalkeedii kulan ee ugu dambeeyey oo ay ciyaartay tartanka Champions League.
>- Waxaa jira kaliya afar jeer oo hore oo koox ay soo gudubtay kaddib markii laga badiyay lugtii hore ee wareegga bug-baxa ee Champions League, iyadoo aan wax gool ah ku dhalin gurigooda – waana Ajax vs Panathinaikos xilli ciyaareedkii 1995/96, Inter Milan vs Bayern Munich fasal ciyaareedkii 2010/11, Man Utd vs PSG iyo Tottenham vs Ajax oo labaduba ahaa xilli ciyaareedkii 2018/19.
>- Kooxda Chelsea ayaa guuleysatay afarteedii kulan ee ugu dambeeyey oo ay garoonkeeda kula ciyaartay FC Porto tartammada oo dhan.
Shaxda macquulka ah ee labada kooxood:-
Gool FM.