(Madrid) 13 Abriil 2021. Daafaca dhexe ahna kabtanka Kooxda Real Madrid ee Sergio Ramos ayaa laga helay Korona Fayras.
Kooxda kubadda cagta Real Madrid ayaa ku dhawaaqday in kabtankeeda Sergio Ramos uu haleelay caabuqa saf marka ah ee KOFID 19.
Ramos ayaa garoomada kaga maqan dhaawac soo gaaray intii lagu guda jiray ciyaaraha caalamiga ah, lamana filayo inuu dib ugu soo laabto shaxda koxodiisa maalmaha yar ee lagu soo aaddan, sidaas darteed waxa uu haatan Ramos waqti badan ku qaadan doonaa inuu safka kooxda kaga maqnaado ka soo kabashada Korona Fayras.
Raphael Varane ayaa sidoo kale laga heshay Korona Fayras todobaad ka hor, welina ma awoodo inuu ku soo laabto kooxda Los Blancos.
Eder Militao iyo Nacho Fernandez ayaa ku soo bilowday kulamadii ay la kala ciyaareen Liverpool iyo Barcelona maalmihii la soo dhaafay, waxaana ay u badan tahay inay howshooda ka ciyaarista daafaca dhexe sii wadan doonaan kulammada soo aaddan.
Kulanka soo aaddan waxa ay Real Madrid la leedahay habeen dambe Kooxda Liverpool oo ay lugtii hore ee siddeed dhammaadka Champions League uga soo adkaatay 3-1.
Gool FM.