Quantcast
Channel: Champ’ League – Gool FM
Viewing all articles
Browse latest Browse all 2505

Horudhac: Liverpool vs Real Madrid… (Zidane oo wajahaya maareynta dhaawac kale & Reds oo aargudasho u socota)

$
0
0

(Liverpool) 14 Abriil 2021. Kooxda kubadda cagta ee Liverpool ayaa caawa garoonkeeda kula ciyaari doonta naadiga Real Madrid lugta labaad ee wareegga siddeed-dhammaadka Champions League.

Los Blancos ayaa 3-1 ku adkaatay ciyaartii lugtii hore ee wareeggan taasoo ka dhacday garoonka Alfredo Di Stefano ee ku yaalla caasimadda Spain.

Sidaas darteed, Reds ayaa u baahan guul farqigeeda goolasha uu yahay labo gool ama wax ka badan si ay u xaqiijiyaan usoo bixitaanka wareegga nus-dhammaadka tartanka horyaallada Yurub.

Ogeysiiska Ciyaarta:-

Tartanka: UEFA – Champions League

Saacadda ay ciyaarta billaabaneyso: 10:00 Habeennimo xilliga geeska Afrika.

Garoonka: Anfield

Garsooraha: Bjom Kuipers (Netherlands)

Wararka kooxaha:-

Liverpool ayaa caawa ciyaari doonta la’aanta kabtankooda Jordan Henderson iyo Divock Origi, halka horraan ayn garoommada ka maqnaayeen Virgil van Dijk, Joe Gomez iyo Joel Matip.

Xiddiga daboolay Real Madrid daafaceeda dadabka midig ee Lucas Vazquez ayaa uu dhaawac jilibka kasoo gaaray kulankii toddobaadkan ay Barcelona 2-1 kaga adkaadeen ciyaartii La Liga ka tirsaneyd, sidaas darteed, waa laga reebay safarka Los Blancos ee Liverpool, si la mid ah Eden Hazard ayaa dhaawac gumaarka ah kulankan ku seegaya.

Dani Carvajal ayaanan wali kusoo laaban tababarka buuxa ee Real Madrid, iyadoo Raphael Varane uu isna la karaantiilan yahay xanuunka Korona, waxaana kooxda Macallin Zinedine Zidane intaas u sii dheer in Sergio Ramos uu dhaawac garoommada kaga maqan yahay xilli shalay ay kooxda sii xaqiijisay in xanuunka Koofid-19 laga helay.

Xaqiiqooyinka Ciyaarta:-

Fool Ka Fool

Kaddib markii ay guulo ka gaartay Real Madrid saddexdii jeer ee ugu horreysay ee ay tartammada Yurub ku wajahday, Liverpool ayaa iyaduna la garaacay dhammaan afartii jeer ee ugu dambeysay oo ay foodda is daraan.

Kulankani ayaa noqonaya midkii saddexaad oo ay Real Madrid booqato Anfield, waxaana ay hore u booqatay bishii March ee 2009 xilligaas oo 4-0 lagu soo garaacay, iyo October 2014 oo ay 3-0 kusoo adkaadeen.

Liverpool

Liverpool ayaa kaliya labo jeer kasoo gudubtay wareegyada bug-baxda Champions League 13 jeer oo lugta hore lagu soo garaacay labo gool ama wax ka badan, waxaana mid ka mid ah uu ahaa kii 2019 ay kasoo kabteen Barcelona oo 3-0 kusoo garaacday ciyaartii lugtii hore ee nus-dhammaadka iyagoo lugta labaad 4-0 guul ku qaatay.

Mohamed Salah ayaa gool dhaliyay mid kasta oo ka mid ah afartii kulan ee ugu dambeysay Champions League, waxaana uu noqon doonaa haddii uu caawa gool dhaliyo xiddigii labaad ee Liverpool shan kulan oo xiriir ah gool ugu dhaliyo tartanka horyaallada Yurub, waxaana sidaas hore u sameeyay Steven Gerrard sanad ciyaareedkii 2007-08.

Shan ka mid ah 11-ka guuldarro ee Liverpool kusoo gaaray garoonkeeda Champions League waxay kala kulantay kooxaha ka socda Spain, waxayna Real Madrid caawa noqon kartaa kooxdii labaad ee Anfield kusoo adkaata labo jeer oo kala duwan tartanka horyaallada Yurub kaddib Barcelona.

Real Madrid

Real Madrid ayaa soo baxday 15 ka mid ah 16 jeer oo ay lugta hore ee wareegyada bug-baxda Champions League ku adkaatay labo gool ama wax ka badan, halka jeer ee loo diidayna waxaa reebtay AS Monaco xilli ciyaareedkii 2003-04, xilligaas oo ay Madrid 4-2 ku adkaatay ciyaartii hore, halka iyaguna 3-1 lagu garaacay lugtii labaad, sharciga goolka bannaanka ayayna ku hartay kooxda reer Spain.

Luka Modrid ayaa gool caawiyay saddexdii kulan ee ugu dambeysay Champions League.

Toddobo ka mid ah siddeedda gool ee uu Marco Asensio ka dhaliyay Champions League ayaa yimid iyadoo Real Madrid ay ciyaareyso wareegyada bug-baxda, marka la eego xiddigaha shanta gool wax ka badan dhaliyay tartankanna, waa laacibka qaybta ugu badan goolashiisa ka dhaliyay marxaladahan maadaama 88% goolashiisa uu ka dhaliyay bug-baxda.

Real Madrid ayaa goolal dhalisay dhammaan 23-kii ciyaarood ee ugu dambeysay oo ay wareegyada bug-baxda Champions League ciyaartay, tan iyo barbarrihii goolal la’aanta ahaa ee ay la gashay Manchester City wareegga nus-dhammaadka ee xilli ciyaareedkii 2015-16.

Shaxda macquulka ah ee labada kooxood:-

Gool FM.


Viewing all articles
Browse latest Browse all 2505

Trending Articles