(Liverpool) 14 Abriil 2021. Tababaraha kooxda kubadda cagta ee Manchester City ayaa ku gooddiyay in kooxdiisa ay dooneyso ku guuleysiga tartanka Champions League, sidaas darteedna ay caawa u socdaan inay guul hor leh kasoo qaataan Borussia Dortmund.
Labada koox ayaa caawa kulanka lugta labaad ee wareegga siddeed-dhammaadka Champions League ku wada ciyaari doona garoonka naadiga Dortmund, xilli ciyaartii lugtii hore Man City ay 2-1 kusoo adkaatay.
Ogeysiiska Ciyaarta:-
Tartanka: UEFA – Champions League
Saacadda ay ciyaarta billaabaneyso: 10:00 Habeennimo xilliga geeska Afrika.
Garoonka: Signal Iduna Park
Garsooraha:Carlos del Cerro (Spain)
Wararka kooxaha:-
Kooxda kubadda cagta ee Borussia Dortmund ayaa wajaheysa xaalado dhaawac oo daran maadaama Axel Witsel, Dan-Axel Zagadou, Marcel Schmelzer, Youssoufa Moukoko iyo Jadon Sancho ay dhammaantood kulankan dhaawacyo ku seegayaan.
Kabtan Marco Reus iyo Mats Hummels ayaa shaki laga gelinayaa kulankan, inkastoo labada xiddig ay tababarkii ugu dambeeyay ka qayb qaateen.
Manchester City waxaa ciyaartan dhaawac kaga maqnaan doona Sergio Aguero, halka Aymeric Laporte shaki laga gelinayo ciyaarista kulankan.
Xaqiiqooyinka Ciyaarta:-
Borussia Dortmund ayaa isaga hartay tartankaChampions League lix ka mid ah toddobo jeer oo lugta hore ee wareegyada bug-baxda laga adkaaday, kaliya Benfica oo 1-0 ku garaacday ayay lugta labaad 4-0 ugu baddeleen xilli ciyaareedkii 2016-17.
Manchester City ayaa iyaduna soo baxday 13 ka mid ah 15 jeer oo lugta hore ee wareegyada bug-baxda tartammada Yurub guul gaartay, keliya Juventus (1976-77 UEFA Cup) iyo Monaco (2016-17 Champions League) ayaa kasoo laabtay guul ay Man City gaartay lugta hore.
Kooxaha kulanka lugta hore ee wareegyada bug-baxda Champions League kusoo badiyay 2-1 ayaa tartanka ka haray 15 jeer, waana in ka badan inta ay soo bexeen oo ah 12 jeer.
Marka qura ee ay Dortmund garoonkeeda kula ciyaartay Manchester City waxay kaga adkaatay 1-0 ciyaar ka tirsaneyd marxaladda guruubyada Champions League sanad ciyaareedkii 2012-13.
Hase ahaatee, Borussia Dortmund ayaa labadii jeer ee ugu dambeysay oo ay garoonkeeda kula ciyaartay koox Ingiriis ah la garaacay, waxaana labada jeer ka adkaatay Tottenham Hotspur (2017-18 iyo 2018-19), inkastoo toddobadii kulan ee ugu horreeyay ee ay garoonkeeda kooxaha Ingiriiska ah kula ciyaartay la garaacay mar qura.
Manchester City ayaanan gool laga dhalin afartii kulan ee ugu dambeysay Champions League oo ay bannaanka garoonkeeda kusoo ciyaartay, waxaana kooxdii ugu dambeysay ee shan kulan xiriir ah shabaqeeda difaacata kulammada bannaanka Champions League ay ahayd Manchester United oo lix kulan oo isku xigta aanan gool bannaanka garoonkeeda looga dhalin xilli ciyaareedkii 2010-11.
Shaxda macquulka ah ee labada kooxood:-
Gool FM.