(Yurub) 19 Abriil 2021. Shan ka mid ah siddeedda koox ee ku sugan wareegyada nus-dhammaadka ee tartammada Champions League iyo Europa League ayaa saxiixay heshiiska ka qayb noqoshada tartanka cusub ee European Super League, waxaana is qabsaday guux ku aaddan in laga saari doono tartammada ay ciyaarayaan.
Kooxaha kala ah Real Madrid, Chelsea, Manchester City, Arsenal iyo Manchester United ayaa haatan ciyaaraya tartamamda Yurub, waxayna qayb ka yihiin naadiyada ku heshiiyay inay sameystaan tartan cusub oo ka madax bannaan UEFA iyo FIFA.
Xiriirka kubadda cagta qaaradda Yurub ee UEFA ayaa ku cago-jugleeyay inuu tallaabo ka qaadi doono kooxaha aas-aasay tartanka European Super League, waxaase la soo warinayaa inay kooxaha haatan tartammada Yurub ciyaaraya ay sii wadan doonaan xilli ciyaareedkooda iyagoo wajahaya ganaaxyo iyo ciqaab si kale loo marin doono.
Sidaas darteed, Real Madrid, Chelsea iyo Manchester City ayaa sii ciyaari doona wareegga afar-dhammaadka tartanka Champions League, halka Arsenal iyo Manchester United ay sii wadan doonaan ole’olahooda Europa League.
Dhinaca kale UEFA ayaa wajaheysa culeys kale oo ku aaddan tartanka qarammada qaaradda Yurub ee Euro 2020 kaasoo xagaagan la qaban doono maadaama xagaagii hore uu u baaqday xanuunka Korona Fayras oo dunida ku faafay awgeed.
UEFA ayaa ku gooddisay inay xiddigaha tartankan ciyaaraya ay ka ganaaxeyso inay matelaan xulalkooda, taasoo iyadana u baahan in la maareeyo.
Gool FM.