Quantcast
Channel: Champ’ League – Gool FM
Viewing all articles
Browse latest Browse all 2505

Madaxweynaha xiriirka kubadda cagta Yurub oo ka hadlay haddii gabi ahaanba la kansalayo kulanka Real Madrid iyo Chelsea ee Champions League

$
0
0

(Yurub) 22 Abriil 2021. Madaxweynaha xiriirka kubadda cagta Yurub ee UEFA ayaa ka hadlay suurto-galnimada haddii gabi ahaanba la kansalayo kulanka u dhexeeya Kooxaha Real Madrid iyo Chelsea ee Champions League.

Waxa uu sidoo kale Aleksander Ceferin ka hadlay murankii dhowaan uu dhaliyey tartanka European Super League iyo weliba sida ay noqonayso Tallaabada laga qaadayo Kooxaha ku lugta lahaa.

Toddobaadka dambe ayaa loo muddeeyey in la ciyaaro afar dhammaadka Champions League, waxaana mid ka mid ah kulammadaas uu yahay midka u dhexeeya kooxaha Real Madrid iyo Chelsea oo labaduba qeyb ka ahaa tartankii fashilmay ee European Super League.

Isagoo la hadlayey muuqbaahiyaha reer Slovenia ee 24UR ayaa Aleksander Ceferin waxa uu shaaca ka qaaday in xilli ciyaareedkani uu hore u bilowday, isla markaana uu sidaas ku dhammaan doono, balse waxa uu diiday inuu beeniyo inay jirto suuro-galnimo kulanka Blues iyo Los Blancos lagu kansali karo, waxaana uu xusay in wax waliba ay macquul yihiin.

“Muhiimaddu waxa ay tahay in xilli ciyaareedkani uu xilli horeba bilowday, sidaasi awgeed baahiyeyaasha ciyaaraha ayaa anaga noo imaan doona oo nagu qabsan doona dhaawac aanu ugu geysanay inaan afar dhammaadka la ciyaarin.” ayuu Ceferin hadalkiisa ku bilaabay.

“Sidaas darteed waxa jirta suuro-galnimo yar oo aan kulankan lagu ciyaaraynin toddobaadka dambe, laakiin arrimuhu sidaas wax yar ayay ka duwanaan karaan mustaqbalka.”

Gool FM.


Viewing all articles
Browse latest Browse all 2505

Trending Articles