Quantcast
Channel: Champ’ League – Gool FM
Viewing all articles
Browse latest Browse all 2505

RASMI: Garsooraha dhex-dhexaadin doonta kulanka lugta labaad ee afar dhammaadka Champions League kooxaha Chelsea iyo Real Madrid oo la shaaciyey

$
0
0

(London) 03 Maajo 2021. Waxaa la shaaciyey garsooraha dhex-dhexaadin doona kulanka lugta labaad ee afar dhammaadka Champions League kaasoo magaalada London ku dhex mari doona kooxaha Chelsea iyo Real Madrid.

Garsooraha reer Talyaani ee Daniele Orsato ayaa loo magacaabay inuu seeriga u qabto kulanka lugta labaad ee afar dhammaadka Champions League, kaasoo Arbacada garoonka Stamford Bridge ee galbeedka Magaalada London ku dhex mari doona Kooxaha Chelsea iyo Real Madrid.

Orsato waxa uu ahaa garsoore heer caalami ah tan iyo sanadkii 2010-kii, Chelsea ayuuna xusuus fiican u leeyahay garsoorahan maadaama uu dhex-dhexaadiye ka ahaa kulankii ay Blues 2-0 garoonkeeda guusha kaga gaartay Kooxda Atletico Madrid wareegga 16-ka, kaasoo dhacay 17-ka bishii Maarso.

Waxaa calan hayeyaal u noqon doona Orsato, labada calan wade ee reer Talyaani, Alessandro Giallatini iyo Fabiano Preti, halka muuqaal caawiyaha garsoorka ee VAR uu fariisan doono Massimiliano Irrati.

Saddex jeer ayuu Daniele Orsato hore u soo dhex-dhexaadiyey kulan ay ciyaareyso Real Madrid, waxaana kulanka Chelsea ay la leeyihiin uu noqon doonaa kulankii afaraad ee Orsato uu garsoore ka noqdo kulan ay ciyaareyso Los Blancos.

Markii ugu horreysay oo uu Daniele Orsato dhex-dhexaadiyo kulan ay dheeleyso Real Madrid waxa auu ahaa kii ay 8-0 kaga adkaadeen Malmo ee heerka guruubyada Champions League xilli ciyaareedkii 2015/16.

Kulankii labaad ee uu garsooro Los Blancos kulan ay dheeleyso ayaana ahaa midkii ay 1-0 uga soo adkaadeen Galatasaray oo ay booqdeen fasal ciyaareedkii 2019/20, halka midka saddexaad uu yahay xilli ciyaareedkii la soo dhaafay kulankii ay guuldarrada 2-1 oo ay kala kulmeen Manchester City iyadoo ku ciyaareysay garoonkeeda Santiago Bernabeu.

Gool FM.


Viewing all articles
Browse latest Browse all 2505

Trending Articles