(Madrid) 03 Maajo 2021. Kooxda kubadda cagta ee Real Madrid ayaa war rasmi ah ka soo saartay haddii ciyaaryahankeeda daafaca ee Raphael Varane uu seegayo kulanka ay la leeyihiin Chelsea ee Champions League.
Los Blancos ayaa xaqiijisay in Raphael Varane uu dhaawac muruqa ah ku seegi doono kulanka ay Arbacada u safrayaan kooxda Chelsea lugta labaad ee afar dhammaadka Champions League.
Difaaca xulka qaranka Faransiiska kula guuleystay Koobka Adduunka ayaa laga saaray garoonka qaybtii nasiinada ee ciyaartii ay dhowaan Los Blancos garaacday Osasuna kaddib markii uu xanuun badan ka dareemay lugta midig.
Haatan kooxdiisa Real Madrid waxa ay xaqiijisay inuu dhaawacaas muruqa lugta midig ah ku seegi doono kulanka ay u safrayaan Galbeedka Magaalada London.
Kooxaha Chelsea iyo Real Madrid ayaa barbaro 1-1 ah ku soo galay Magaalada Madrid ee caasimadda Spain, waxaana kooxda u gudbaysa Final-ka tartanka Champions League lagu ogaan doonaa kulanka lugta labaad ee ka dhacaya Magaalada London ee caasimadda Ingiriiska.
Gool FM.